4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Cabdulxamiid Sheekh Cabdisalaam oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Puntland

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) —Xarunta Golaha baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa weli ka socota doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa mar dhow doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakillada, xilkaasoo ay shan xildhibaan u tartameen.

Xildhibaanada u tartamay xilka guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ayaa kala ahaa:

1. Salaad Xareed Cali
2. C/risaaq Siciid Ibraahim
3. C/xamiid Sh. C/salaan
4. C/qaadir C/salaan Maxamuud
5. C/casiis Siciid Gacmey

Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam ayaa ku guuleystey xilka guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada kaddib markii uu helay 40 kamid ah codadka 66-da xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland uu ka kooban yahay.

Murashaxiinta kale ee ay tartamayeen oo gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali uu kamid ahaa ayaa helay codad aad u yar. Guddoomiyaha cusub oo si kooban u hadlay ayaa u mahadceliyey xildhibaanada codkooda siiyey.

Xilligan waxaa socota doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha, xilkaasoo ay u tartamayaan labada murashax ee kala ah: Xuseen Yaasiin Diiriye iyo Cabdixakiin Macallin Daahir.

Wararka doorashada wixii ka socda dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya