4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo loo doortay Siciid Xasan Shire oo ay la Tartameen Afar Musharrax (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa goor-dhow loo doortay Siciid Xasan Shire oo horay u ahaa wasiirka xannaanada xoolaha ee Puntland, waxaana guddoomiyaha la tartamay afar murashax oo kale.

Doorashada oo martay saddex wareeg ayaa waxaa xubnihii ku tartamay ay kala ahaayeen: guddoomiyaha la doortay, Siciid Xasan Shire, Cabdirshiid Maxamed Xirsi oo horay u ahaa guddoomiyihii baarlamaankii hore ee Puntland, Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Maxamed Cali Guuleed.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa murashaxiinta tartamayay waxay coddka u kala heleen, C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Siciid Xasan Shire oo mid walba uu helay 17 cod. C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo helay 16 cod, Axmed Cali Xaashi oo helay sagaal cod iyo Maxamed Cali Guuleed oo helay lix cod, waxaana hallabay hal cod.

Intaa kaddib waxaa la gudo galay wareeggii labaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen: C/rashiid Maxamed Xirsi, Siciid Xasan Shire iyo Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo helay codadkii ugu badnaa ee wareeggii hore ee doorashada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wareeggii labaad ayaa waxay saddex murshax ee tartamay kala heleen: C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Siciid Xasan Shire oo midkiiba uu helay 23 cod iyo C/xakiin Maxamed Axmed oo helay 20-cod.

Labadii murashax ee ugu codka badnaa wareeggii labaad oo kala ahaa: Siciid Xasan Shire iyo C/rashadii Maxamed Xirsi ayaa wareegii saddexaad ku tartamay, waxaana uu Siciid Maxamed Shire oo guddoomiyaha loo doortay helay 40-cod, halka guddoomiyihii hore ee la tartamay ee Cabdrashiid Maxamed Xirsi uu helay 26-codkii cod.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire oo hadallo kooban ka jeediyay madashii lagu doortay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay uuna si ay cadaaladi ku jirto ku shaqeyn doono, sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, C/rashiid Maxamed Xirsi oo isaguna hadlay ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha cusub xilka loo doortay, isagoo xusay inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

Saacadaha  soo socda ayaa waxaa billaaban doonta doorashada guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee baaramaanka Puntland oo ay ku tar-tami doonaan toddoba murashax oo ay shan ka mid ah ay xilka ku xigeenka koowaad ku tartami doonaan iyo laba ku tartami doonta xilka guddoomiye ku xigeenka labaad.

Habka ay doorashadu u dhacdo sida loo kala guuleysto, waxaan kula socon doonaa wararka dambe ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Puntland