4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Xoogag Taageersan Kooxda Al-shabaab oo Duleedka Degmada Buurhakaba ka Afduubtay Madaxii Hay’adda WHO ee Gobolka Bay

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Madaxii hay’adda WHO ee degmada Buur-hakabo, Dr. Abuukar Hashimi ayaa lagu afduubey deegaanka LIIMAALE oo 15-km u jirta degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay, xilli uu howlihiisa ku jiray.

Sarkaalkan ayaa waxaa qafaashay xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in kooxdan ay sannadkii 2012 ka mamnuucdya deegannada ay ka taliso ka mamnuucday hay’ado samafal ay ay ka mid tahay WHO.

Hay’adda WHO waxay toddobaadkan ka waddy gobalka Bay barnaamijka tallaalka carruurta ee looga hortagayo cudurrada halista ah ee dilaaga ah sida dabeysha.

Dr. Haashimi ayaan la ogeyn meesha lool kacay inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in loo wado degmada Diinsoor oo ah xarunta Al-shabaab ee Gobalka Baay. Ehalada Dr Haashimi ayaa waxaa soo food saartay xaalada murago leh.

Hay’adda WHO ayaa waxay howlaheeda shaqo dib u billowday sanadkii hore ee aynu soo dhaafnay 2013-ka, iyadoo ay waqtigan ay wado barnaamijka tallaalka caruurta, haweenka, kaasoo ay howshiisa ay ka socato degmada Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo