4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay dib u bilaabayaan wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wareegii shanaad ee wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan horaanta todobaadkan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xusay in saddex cisho ka dib ay u anbabaxayaan dalka Turkiga si loo sii anbo qaado wadda-hadaladdii, isagoo beeniyey inay jiraan inay burbureen wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya.

“Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib”ayuu yidhi wasiir Biixi oo ka hadlayey  goorta ay bilaabmayaan wada hadaladdii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu intaas ku daray “weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota”

Mar wax laga waydiiyey inay burbureen wada hadaladdii labadda dhinaca u dhexeyey, waxa uu kaga jawaabay “Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay inay la kulmeen shirkad caalami ah oo shiidaalka ka shaqaysa, isla markaana ka wada hadleen sidii dekadda Berbera u isticmaali lahaayeen si ay wadamad bariga afrika ugu gudbin lahaayeen.

“Waxaanu tagnay Ingiriiska, waxaana la shirnay la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka, oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan oo ay saliida qaydhiin Itoobiya iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey shirkado ay la kulmeen.

“Marka aad shirkado waaweyn dalka keento dan ayay dalkaagii ku yeelanayaan. Markaa dhaqaaluhu waa siyaasadda ugu weyn ee wasaaradda khaarajigu hayso.”ayuu hadalkiisa ku daray.

Si kastaba ha ahaatee, wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ayaa laba jeer oo hore dib  u dhacay, iyadoo Somaliland ku macnaysay khilaafka ka taagnaa madaxda Sare ee Soomaaliya inay dib uga dhaceen, haseyeeshee waxa uu dib u bilaabmi doonaan dhawrka cisho ee inagu soo beegan, inkastoo arrimaha doorkan laga wada hadli doonaa ay noqon doonta arrimo ad-adag ee ay kala taagan yihiin labadda dhinac.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland