4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Ganacsato Soomaaliyeed oo u xirnaa dilka burcad Koonfur Afrikaan ah oo ku weeraray dukaankooda oo xabsiga laga sii daayay

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Afar dhallinyaro Somaaliyeed oo muddo u xirnaa dil ay u geysteen saddex ruux oo Koonfur Afirkaan ah oo doonayay in ay dhac u geystaan dukaan ay lahaayeen ayaa laga sii daayay Jimihii shalay xabsigii ay ku jireen, iyadoo mid shanaad uu weli ku jiro xabsiga.

Ganacsatadan ayaa la sheegay in kooxo burcad ah oo dalka Koonfur Afrika u dhashay ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaalla deegaan magaalada ka baxsan, iyadoo la sheegay inay toogteen saddex ka mid ah burcadda ayna dhowr kalena dhaawaceen.

“Booliiska ayaa yimid iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay iska difaacayeen burcadda soo weerartay, waxayna gacanta ku dhigeen shan ganacsato ah oo dhammaantood Soomaali ah, kuwaasoo ay xabsiga dhigeen, waxaana lagu guuleystay in afar ka mid ah lasii daayo, iyadoo lagu bixiyay soo dayntooda lacago badan,” ayuu yiri C/samad oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

C/samad oo u warramayay warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah uu kusoo dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo dukaan ku lahaa goobta ay ganacsatadu ku lahayeen dukaanka.

“Falkan wuxuu dhacay sannadkii aan soo dhaafnay, waxaana weli xabsiga ku jira ganacsade Soomaaliyeed oo ahaa kii lagu qabtay qoriga, waxaana rajo weyn ka qabnaa inaan ku guuleysanno soo dayntiisa maalmahan soo aadan,” ayuu mar kale yiri C/samad.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sannadkii hore lagu dilay 80 ganacato Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dhammaantood lagu weerray dukaammo ay ku lahaayeen deegaanno kala duwan oo dalka Koonfur Afrika ku yaalla.

Sidoo kale, waxaa la boobay in ka badan 700 oo dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo ajaanib ah, kaddib markii ay ka dhaceen dalkaas dibadbaxyo ku saleysan ajnabi nacaybka oo dalkaas si aad ah uga jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya