4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Baarlamanka Puntland oo ka dhacaysa Maanta Xaruntooda Magaalada Garoowe


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) —Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee maalmo kahor la dhaariyey ayaa maanta oo Sabti ah dooran doona guddoomiyaha iyo weliba guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka.

Xildhibaano ay tiradoodu 10 ku dhowdahay ayaa shaaciyey in ay u tartami doonaan xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka ee golaha.

Xildhibaanada u sharraxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka waxay badankoodu kasoo jeedaan gobolka Sanaag, halka kuwa guddoomiye ku-xigeenka u tartamayana ay u badan yihiin xildhibaano baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyey, si gaar ah waxaa aad ammaankeeda loo adkeeyey Xarunta Baarlamaanka, halkaas oo 8-da bishana ay doorashada madaxtinimadu ka dhici doonto.

Doorashada guddoonka baarlamaanka kaddib, waxay xildhibaanada Puntland maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay [ Janaayo 8, 2014] ay dooran doonaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Wararka ugu dambeeya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntlad si toos ah ayaan idiinku soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Puntland