4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay beeralayda (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed isagoo kala hadlay caqabadaha haysta iyo kaalinta ay dowladdu ka qaadan kaalmo loo fidiyo si kor ay ugu qaadaan wax-soosaarka, waxana ra’iisul wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto wax-soosaarka dalka si dhaqaalaha dalku u soo kabto.

Kulankan ayaa ra’iisul wasaaruha waxaa ku wehelinayay wasiirka beeraha mudane Cabdi Axmed Maxamed iyo ku-xigenkiisa, Cismaan Libaax Ibraahim, waxaana beeralayda maanta la kulmay ra’iisul wasaaraha ay kala yimaadeen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo laga arrinsaday sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen in la qaado caqabadaha hor taagan kor-u-qaadista wax-soo-saarka dalka.

Beeralayda ayaa soo jeediyay cabashooyin dhinaca ammaanka ah, waxaana ra’iisul wasaaraha oo garowsanaya caqabadaha dhinaca amniga ah isagoo ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto adkeynta ammaanka, si dhammaan ujeedooyinka iyo himilooyinka shacabka loo wada xaqiijiyo.

“Kulammada noocan oo kale ah ee ay isugu imanayaan dadka xirfadleyda ah waa muhiim, waxaan fursad u helnay inaan si toos ah u dhegeysanno dadkii beerayda ahaa oo sheegay caqabadaha haysta, anigu waxaan kasoo jeedaa qoys beeralay ah, waxaana wax ka bartay dugsigii sare ee beeraha Afgooye, iyadoo aan qarankana ugu soo shaqeeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Sidoo kale wuxuu mar kale yiri: “Waxaan garawsannahay caqabadaha ay waajahayaan beeralayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin fatahaadaha, abaaraha iyo lacagaha ay ka qaadaan dhinacyada ka baxsan xayndaabka dowladda, waaxaan si cad idin kugu sheegayaa in arrimahaan aanu wax ka qaban doonno. Soo celinta dhoofinta iyo horumarinta wax-soo-saarka beeruhu waxay ka mid yihiin qorshayaasha horumarka ee qaranka, waxayna abuurmi doonanaan shaqooyin iyo fursado kale oo horumarineed.”

Dhinaca kale, wasiirka beeraha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdi Axmed Maxamed oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah ay kasoo bixi doonto qaab ay kuwada shaqeeyaan dadka beeralayda ah iyo hay’adaha dowladda federaalka ugu wakiilka ah beeraha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya