4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Maamulka Khaatumo oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Puntland


Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa si kulul u cambaareeyay maamulka Puntland kaddib markii xilal kala duwan loo magcaabay rag ay ku sheegeen dabiilayaal.

Maxamed Yuusuf Jaamac "Indhasheel" oo ku sugan degmada Taleex ayaa ku eedeeyey madaxda Puntland inay ku darsadeen golaha xukuumadda rag uu sheegay inay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen deegaannada Khaatumo ay ka taliso.

Indhasheel wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin gogol nabadeed oo uu madaxweyne Gaas horay ugu baaqay in Puntland ay ka taliso nabadda maamullada dariska la ah.

Golaha wasiirrada ayaa waxaa ku jira madaxweynihii u horreeyay Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash” oo loo magcaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo Cabdinuur Cilmi Qaaje "Biindhe" oo isaguna ahaa madaweynihii ugu dambeeyay oo loo magcaabay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda.

Inkastoo beel ahaan 11 xubnood golaha wasiirrada ee Gaas ay ku leeyihiin iyo 17 xubnood oo baarlamaanka ah haddana dadku waxay hadal hayaan laban mas’uul oo ay ku tilmaamayeen dadka qaarkood inay Puntland uga mid noqdeen baabi’inta Khaatumo, halka qaarna ay ku taageersan yihiin oo in Khaatumo iyo Puntland dib loo mideeyo ay taageero u hayaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool