4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
AMISOM oo Raalli-gelin ka bixisay qof rayid ah oo uu jiiray gaarigooda


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa raalli-gelin ka bixisay dil uu mid ka mid ah gaadiidkooda ciidamada u geystay qof rayid ah maanta xilli uu marayay jidka mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, taasoo ay ka caroodeen dadweyne muddo saacado ah xiray jidkaas.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaah Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Annadiif ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun yihiin ruuxa Soomaailyeed ee ay dileen kolonyo gadiidkooda ah, kaasoo ahaa taksiile.

Anaadiif ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in falkaasi uu ahaa shil ka dhacay agagaarka hoteelka Ambassador, halkaasoo ay ku sheegeen in kolonyo ka mid ah gawaarida AMISOM ay ku dileen qof rayid ah.

“Waxaan aad uga xunnahay shilka gaari ee sababay dhimasha qof rayid ah, waxaana u tacsiyeynaynaa qoysaskii uu ka tagay marxuumka, waxaa naga go’an inaan la shaqeyno ciidanka booliska oo baaritaannada falkaas ku haya, si tallaabo cadaalad ah looga qaado askarigii falkaasi geystay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in AMISOM ay xoojinayso wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed, ayna ka xun yihiin falkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa isla maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusii jeeeda dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirka Midowga Afrika.

Shirka uu ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya oo looga hadlayo sidii dhisi lahaa ciidammo Afirkaan ah oo ka howlgala dalalka ay aan xasiloonayn ayaa socon doona laba maalmiood, iyadoo sidoo kalena ay Somalia dadaal ugu jirto ka mid noqoshadaha golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya