4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Kooxo Hubeysan oo Qaahira ku Toogtay Sarkaal Dowladda ka Tirsan


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Kooxo islaamiyiin ah ayaa maanta ku toogtay gudaha magaalada Qaahira sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada amniga dalka Masar, iyadoo kooxaha dilka geystay oo watay mootooyin la sheegay inay baxsadeen.

Jen. Maxamed Siciid oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa lagu toogtay gudaha gaarigiisa oo hortaagnaa gurigiisa oo ku yaalla bartamaha Qaahira.

Toogashada ayaa dhacday waxyar kaddib markii madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi la horkeenay maxkamad, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilal iyo afduubyo ka dhacay Masar.

Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa sidoo kale Talaadada maanta ah toogasho ku dilay ciidammo booliis ah oo ilaalo ka hayay kaniisad ku taalla magaalada lixda Oktoobar oo ku taalla waqooyiga magaalada Qaahira.

Ciidamada ammaanka Masar ayaa sheegay inaan weli la garanayn kooxaha dilka geystay, balse looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha sida aadka ah u taageersan madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar.

Kooxahan islaamiyiinta ah ayaa rumeysan in Mursi uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee dalka Masar, iyadoo xukuumadda Masar ay horay u sheegtay in Ikwaanul Muslimiin looga aqoonsaday dalka Masar koox argagaxiso ah.

Mursi ayaa markii la horgeeyay maxkamadda wuxuu sheegay inuu weli isagu yahay madaxweyanha dalka Masar, isagoo qaaligii maxkamadeynayay ku yiri: “Kuma ayaa tahay? Ma i garanaysaa qofka aan ahayn?”

Xilligaas Mursi wuxuu xirnaa dhar cad oo loogu talogalay maxaabiista in loo xiro, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa hoggaamiyeyaal ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dacwooyin kala duwan loo haysto, iyadoo mar kale dib loo dhigay illaa 22-ka bisha Feberaayo ee sannadkan.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalkaas kusoo kordhayay dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ka tirsan islaamiyiinta dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya