4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
NUSOJ oo dalbatay in Howlihiisa loo fasaxo Somali Channel Telefishin

Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Qaraxnka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa walaac ka muujiyay go'aanka uu maamulka gobolka Hiiraan  shaqada kaga joojiyay telefishin-ka Somali Channel xaruntiisi magaalada Baladweyne maalmo ka hor.

Madaxa Somali Channel ee magaalada Muqdisho, Maxamed Saciid Axmed ayaa u xaqiijiyay NUSOJ ganaaxa la dul-dhigay telefishinka, wuxuuna xusay in tallaabadaas ay kamid tahay kuwa lagu caburinayo xoriyaadda saxaafadda madaxa banaan.

"Waxaan ka dalbanaynaa maamulka gobolka Hiiraan in si shuruud la'aan ah lagu fasaxo shaqadii uu hayay Tv-ga "ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim oo arintaas ka soo saaray war kooban .

Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay in go'aankaas uu yahay mid ka hor imaanaya xoriyadda  saxaafadda ,isla markaana ah ka dhan ah xoriyatul-qowlka ,waxaana uu tilmaamay in tallaabadaas  ay tahay mid aan la aqbali karin .

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baledweyne, C/kariin Shire Cabdi  ayaa axaddii la soo dhaafay ku dhawaaqay go'aanka shaqada looga joojiyay Somali Channel,waxaana lagu eedeeyay in si aan haboonayn uu Tv-ga u tabiyay dagaallo beeleedyo ka dhacay gobolkaas.

Ugu danbayn, xayiraadda maamulka gobolka Hiiraan uu ku soo rogay Somali Chanel ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo asbuucyo ka hor ay kooxda Shabaab ay  xayiraad ku soo rogeen isticmaalka aaladda Mobilka gaar ahaan kuwa casriga ah ee loo yaqaan Smart phons-ka

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]