4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
GOODAX: "Baaritaan ayaa lagu Sameynayaa Shilkii Maanta dhacay"


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay qof rayid h oo ay gaadiidka ciidamada AMSIOM ku jiireen maanta Muqdisho, isagoo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.

Goodax ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladdu ay ka xun tahay shilkii uu muwaadinka Soomaaliyeed ku dhintay ee ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama laguna sameyn doono sidii uu ku yimid baaritaan guud.

“Xukuumadda Somalia way ka xun tahay dhimashada ruuxa Soomaaliyeed ee ay ciidamada AMISOM ku jiireen jidka Maka Al-Mukarama, waana la baari doonaa sida uu falkaas ku dhacay,” ayuu wasiirku ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri: “AMISOM  waxaan ugu baaqayaa inay xushmeyso sharciga Soomaaliya, ayna kala shaqeyso ciidamada booliiska Soomaaliya sidii baaritaan loogu sameyn lahaa shilkaas.”

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in baaritaanka shilkan uu yahay mid meel sare kaga jira howshooda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay AMISOM inay ka taxadarto dhibaatooyin ku dhaca rayidka Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo saakay ay jiireen gaadiid ay wateen ciidamada milateriga AMISOM uu ruux taksiile ahaa ku jiiray afaafka hore ee dhismaha Taree-biyaano ee Muqdisho, kuwaasoo isaga tagay goobta, taasoo keentay in dadweyne careysan ay jidka xiraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo gaadiidka AMISOM ay dad rayid ah ku jiiraan waddooyinka Muqdisho, waxaase ay horay dad rayid ah ugu jireen agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, isgoyska KM-4, agagaarka Bankiga dhexe iyo goobo kale.

Taliska guud ee AMISOM weli kama aysan hadlin shilka ay geysteen gaadiid ka mid ah kuwooda ay isticmaalaan ciidamada milateriga ah, waxaase uu ku adkeystay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in baaritaan lagu sameyn doono shilkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya