4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Wasiirada Somaliland oo taageeray qaadashada Kaarka Muwaadinka

Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Golaha Wasiiradda Somaliland , ayaa ansixiyey qorshe ay muwaadiniinta Somaliland ku qaadanayaan kaadhka Jinsiyadda oo wasaaradda Arrimaha guduhu soo jeedisay in bisha Febraayo ee sanadkan la bilaabayo.

Fadhigan aan caadiga ahayn ee golaha Wasiiraddu yeeshay ayaa waxa hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ah ku simaha madaxweynaha, waxaanay goluhu aqlabiyad iskugu raaceen inay taageeraan qorshaha qaadashadda kaadhka jinsiyadda ee ay waddo wasaradda Arrimaha gudaha.

“Waxaynu ku falan-qeynaynay shirkii Golaha Wasiirradu yeesheen qaadashada kaadhka jinsiyadda oo wasaaradda Arrimaha guduhu ay afar maalmood ka hor ay iclaamisay inay dalka ka qabsoomayso, arrintaas ayaa lagu ansixiyay shirkan,”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici oo ka hadlayey shirka golaha wasiiradda yeesheen iyo ujeedadiisa.

“Waxa maanta fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada lagaga hadlayay oo Goluhu dood adag oo qiimo leh ka yeeshay hanaanka ay u dhacayso diiwaan-gelinta iyo qaadashada kaadhka muwaadinimada (Jinsiyadda). Dood dheer ka dib waxa la isku raacay in diiwaan gelinta qaadashada kaadhka jinsiyadda laga fuliyo dhammaan goboladda dalka oo dhan”ayuu yidhi wasiirul dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo faah-faahin ka bixinayey shirkan golaha wasiiradda.

Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda, ayaa sheegay in bixinta kaadhadhkan jinsiyada ay muhiim u tahay qaranimadda iyo muwaadinimadda dadweynaha ku dhaqan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegtay in bishan soo socota ee Febraayo dalka laga hirgalin doono kaadhadhka aqoonsiga muwaadinimo ee loo yaqaan kaadhka jinsiga, kaas oo dadweynaha loogu booriyey inay qaataan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland