4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Mas’uuliyiin cambaareeyay dublamaasi Somali ah oo ku xiran Kenya


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Waxaa Muqdisho shir jaraaid ku qabtay maanta waxgarad iyo mas’uuliyiin si weyn u cambaareeyay xarig ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya ay kula kaceen dublamaasi ka tirsanaa safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo ahaa madaxii anshaxa ee safaaradda Soomaalida ee Kenya ayaa maalintii afaraad u xiran ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya oo su’aalo ka weydiinaya tuhun la xiriira inuu ku lug lahaa qarax dhawaan ka dhacay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xarigga Ilyaas Yuusuf Warsame ay kula kaceen ciidamada Kenya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Ilyaas waa nin la yaqaanno ma ahan argagaixiso, qaraxna shuqul kuma lahan, xariga ciidamada Kenya ay kula kaceenna waa mid khalad ah waayo wuxuu haystaa baasaboor dublamaasi,” ayuu yiri C/kaafi Hilowle.

Guddoomiyaha golaha bulshada rayidka ee Banaadir, Muxyadiin Xasan Afrax ayaa isna sheegay in xariga loo geystay Ilyaas uu ahaa mid laga shaqeeyay, isagoo xukuumadda Kenya ugu baaqay inay si dhaqso ah kusii dayso.

“Waxaa xariggiisa ka dambeeya oo soo abaabulay shirqoolkana u dhigay shaqsiyaad dano gaar ah leh,” ayuu yiri Muxyadiin Xasan Afrax oo aan si cad carrabka ugu dhufan shaqsiyaadkaas kuwa ay yihiin.

Dhanka kale, waxaa isagana shirka jaraa’id ka hadlay nabadoonno ay ka mid ahaayeen Garaad Cagey, nabaddoon Qaloosh iyo nabaddoon Axmed Degoole oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax qabato xariga ciidanka Kenya ay kula kaceen Ilyaas Yuusuf Warsame.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya