4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Golaha Wakiillada Somaliland oo Meel-mariyay Xeer Hoosaad Cusub

Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeer hoosaad cusub oo golahoogu ku shaqayn doono oo hoos u dhigay awooddi labadda gudoomiye ku xigeen ee golahaasi.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa golaha horkeenay xeer hoosaad cusub oo ay soo diyaariyeen guddi hoosaadka joogtadda, kuwaas oo wax ka bedel ku sameeyey xeer hoosaadkii hore, isla markaana hoos u dhigay awooddii labadda gudoomiye ku xigeen.

Gudoomiyaha golaha iyo labaddiisa ku xigeen ayaa hore iskugu khilaafay isku shaandheyn lagu sameeyey guddi hoosaadyada, taasina waxay keentay inuu gudoomiyuhu si hoose u hindiso xeer hoosaad ka duwan kii hore ugu shaqayn jireen, isla markaana awoodii ay lahaayeen labadda ku xigeen la wiiqo, isagoo kaashanaya guddi hoosaadka joogtadda oo u badan xisbiga Wadani ee uu gudoomiyaha u yahay afhayeenka xisbiga WADANI Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xeer hoosaadkan waxa sharaxaad ka bixiyey gudoomiyaha guddida joogtada Md:Ibraahim Mahdi Buubaa oo isla markaana ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, haseyeeshe wax ka bedelkaasi xeer hoosaadka waxa ganafka ku dhuftay labdda gudoomiye ku xigeen oo golaha iskaga baxay ka hor inta aan la ansixin.

Guddoomiyaha golaha wakiilada C/rahmaan Cirro oo ka faa’iidaynaysa aqlabiyada xildhibaanadda ee taageersan ayaa xeerkaasi ku meel maray aqlabiyadda waxaana xeerkaasi ogolaaday 42 mudane, sideed mudane way diideen, afar mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayuu xeer hoosadkii cusbaa oo awoodda gudoominta siinaya gudoomiye Cirro oo kaliya ku meel maray.

Haddaba, qodobada ka biyo diidsanyihiin labdda gudoomiye ku xigeenka waxa kamid ah qodobka 10aad iyo qodobka 32aad oo wax ka bedelay qaab dhismeedkii shirgudoonka, oo halkii ay barigii hore gudoomiyaha labadda  ku xigeen garab fadhiisan jiren, imika laga bilaabo fadhiinayaan meel ka hoosaysa gudomiyaha oo la siman halka uu fadhiisto xoghayaha guud ee golaha, halka gudoomuhuna kaligii fadhiisayo halka sare.

Sidoo kale, waxa iyadana wax laga bedelay xil ka qaadista labadda gudoomiye ku xigeen oo laga dhigay 42 cod in xilka lagaga qaadi kari, halka ay barigii hore ahayd 55 cod, balse gudoomiyaha isaga aan xil ka qaadistii waxba laga bedelin oo lagu ridi karo 55 cod.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha cirro ayaa u muuqda gudoomiye toshay shaadh leeg, isla markaana awooddo badan oo aanu markii hore kaligii lahayn samaystay, haseyeeshee waxa arirntaasi ka cadhooday xildhibaano taageersan xukuumadda si weyn u cambaareeyey wax ka bedelka xeerkaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiilada CIrro isla markaana ah gudoomiyaha mucaaradka WADANI, ayaa kasbaday xildhibaanadii UCID iyo xisbigii UDUB ee burburay uga soo baxay golaha, maadama oo xisbiga WADANI saaxada siyaasadda ku cusub yahay, isla markaana hore aanay xildhibaano u lahayn, haseyeeshee xisbiga KULMIYE oo wakhtigii hore lahaa aqlabiyadda xildhibaanada golaha Wakiilada ayaa waxa wiiqay khilaafka xisbigaasi ka dhex jira, isla markaana xildhibaanadiisii u kala qaybiyey  qayb la safan xukuumada iyo qayb la socda gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, taasina waxa ka faa’iidaystay xisbiga WADANI oo fursad ka dhex helay khilaafka xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo qaarkood ku biireen xisbiga WADANI.

Xukuumadda ayaa wakhtigii ururadda la furay taageersanaa xisbiga WADANI ee gudoomiyaha ka yahay Cirro, iyagoo wakhtigaasi aaminsana inuu Cirro uga ilko qaboobaan doono gudoomiyeyaashii ururada hadhay, isla markaana gudoomiye Cirro laftiisu xukuumadda si weyn u taageeri jiray, haseyeeshee mudooyinkii dambe gudoomiyuhu la soo baxay siyaasad cusub oo lagu kala saarayo xukuumadda iyo sharci dajinta oo sadexdii sanno ee u dambeeyey isku milmay, go’aan kasta oo xukuumada ka soo baxana duuduub lagu meel marin jiray.

Illaa hadda ma muuqato talaabadda ay xukuumadu qaadi doonto iyo waxay samayn doonaan labadda gudoomiye ku xigeen ee ka cadhooday wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha, maadaama oo waxba laga bedeli Karin go’aan gole ka soo baxay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland