4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Gaadiidka AMISOM oo jiiray qof rayid ah iyo Wado la xiray (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa maanta ku jiiray qof rayid ah agagaarka Taree-biyaano ee jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, taasoo keentay in dadweyne falkaas ka careysan ay xiraan isku socodka gaadiidka ee waddadaas oo ah mid aad u mashquul badan.

Ninka rayidka ah ee gaadiidka AMISOM ay jiireen oo ahaa Taksiile ayaa isku dayay xilliga ay gaadiidku jiirayeen inuu ka gudbo jidka, inkastoo si lama filaan ah ay ugu yimaadeen gaadiidka oo ku socday jid aan ahayn kii loogu talo-galay inay maraan.

Dilka kaddib ayaa waxaa jidka oo dhan xiray dadweyne badan oo isugu soo xoomay goobta, waxayna joojiyeen isku socodka gaadiidka waddaaas, taas oo keentay in jidku uu noqdo mid xaaladiisu ay is-bedeshay.

“Laba ka mid ah gaadiidka AMISOM oo jid aan seedkooda ahayn ku socday ayaa jiiray marxuumka, wayna iska tageen, taas ayaa keentay inaan jidka xirno, waayo waa khalad weyn oo aan loo dulqaadan karin,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii jidka xiray.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Saalax Nuur Maxamed waxaana ay da'diisu ahayd 41-jir leh toddoba caruur ah, waxaana ehelladiisu ay sheegeen inuu ahaa nin muddo dheer qoyskiisa ugu shaqeynayay taksiilenimo.

Sidoo kale, ruux kale oo ka mid ah dadkii jidka xiray ayaa sheegay inaysan tani ahayn mid loo dulqaadan karo, wuxuuna xusay in gaadiidka ciidamada iyo kuwa rayidka ay labadaba u diidayaan inay jidka maraan, inta arrintan la xallinayo.

“Gaadiidka jiiray marxuumka waxay galeen madaxtooyada, waxaana nagu maqal ah inay yihiin kuwo ay wateen ilaalada madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay goobjoogaha oo koox wariyeyaal ah goobtaas kula hadlay.

Taliyaha ciidamada booliiska degmada Hodan, Maxamed Daahir oo goobta soo gaaray ayaa billaabay inuu kala eryo dadkii waddada xiray, iyadoo loo adeegsaday kala eryidda dadkaas rasaas nool, waxaana dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadka.

“Ciidamada booliisku waxay fureen isku socodka jidka, waxaana daba-gal ku sameynay gaadiidkii jiiray muwaadinka Soomaaliyeed sharciga ayaana lala tiigsan doonaa,” ayuu yiri Col. Maxamed Daahir. Isagoo xusay inay maydka qaadeen booliiska lana aasi doono.

Ma jiro hadal kasoo baxay ciidamada AMISOM oo ku aaddan dilka ay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamadooda milateriga u geysteen qofka rayidka ah ee Soomaaliyeed, waxayse tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo shacabka Muqdisho ay caro ka muujiyaan qof rayid ah oo gaadiidka AMISOM ay dileen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya