4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Ciidamada Dowladda oo Tan iyo Xalay Baaritaanno ka wada Dayniile

Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwa nabadsugidda iyo booliiska ayaa tan iyo xalay baaritaanno kawaday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, iyadoo howlgalladaas lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Intii ay baaritaannada socdeen ayaa waxaa lagu dilay gudaha degmadaas ruux rayid ah, iyadoo aan la ogeyn kooxaha toogtay, waxaana baaritaankan uu noqonayaa kii ugu ballaarnaan ee ciidamadu ka sameeyaan degmadaas muddo bilooyin ah.

“Xaafadaha oo dhan waa la baarayaa, markaan ka hadlo xaafadeenna waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa booliiska iyo kuwa nabad-sugidda ee loo yaqaan Alpha Group, dad dhallinyaro u badan ayayna qabteen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Gubta.

Ciidamada dowladdu kama warbixin howlgalkooda, waxaan saraakiil qayb ka ah kuwa howlgalka ku howlan ay sheegeen inay dib ka faahfaahin doonaan howlgalkooda oo illaa xalay illaa saakay socda.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muxyadiin Xasan Jurrus ayaa isna warbaahinta u sheegay inay xalay gudaha degmadaas ku qabteen dhowr qof oo ka tirsan Al-shabaab.

“Shacabka degmada ayaa nagu soo wargeliyay waana qabannay, waxaana ka mid ahaa xubnaha aan qabannay kuwo sheegtay in lagu qasbayay ka mid ahaanshaha Al-shabaab,” ayuu yiri Jurrus.

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wadashaqeyn wanaagsan ay ka dhexeyso maamulkiisa iyo shacabka degmada ayna shacabku intooda badan kusoo wargeliyaan xogaha ku saabsan xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee degmada soo gala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya