4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Degmada Baydhabo oo laga Taagay Calanka Maamul Goboleed cusub


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa markii ugu horreysay laga taagay calan uu leeyahay maamul goboleedka ay lix gobol ay ku mideysan yihiin, iyadoo magaalada uu ka socdo shir kale oo la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ka kooban sadeex gobol oo keliya.

Xarunta ee ADC oo madaxtooyo KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed ee la dhisayo ayaa waxaa buux-dhaafiyay dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo doonayay inay goobjoog ka noqdaan saarista calanka.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa ergooyin kala duwan, siyaasiin iyo qaar ka mid ah salaaddiinta gobollada uu maamulkan kulminayo, waxaana markii calankan la saaray ay waxaa goobta laga maqlay sawaxan calankaan cusub lagu soo dhaweynayo.

Munaasabadda calan-saarka kama aysan qaybgelin ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidamada booliska ee gobalka Bay. Waxaan kaloo aan iyana ka qaybgelin guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow oo ka mid ahaa xubnihii shirka taageersanaa, balse wararka qaarkood ay sheegayaan in dowladda u soo dirtay diyaarad ka timid Muqdisho loo kexeeyay, kaasoo ahaa safara lama filaan ah.

Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in sababta ay ciidamadu ay goobta u tegi waayeen ay tahay amar kasoo baxay dowladda oo loogu diiday inay ka qaybqaataan calan-saarkaas.

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in la doorto golaha wakiillada ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin lix gobo loo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Xildhiabanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in maamul goboleedkan uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, sidaa darteedna ay kasoo horjeedaan.

Hiiraan Online, Baydhabo