4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Dowladda Imaaraadka oo Mashaariic ka fulinaysa Somalia (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka fulinayso mashaaciir horumarineed oo kala duwan, kaddib shir jaraa’id oo Muqdisho ay wadajir u qabteen wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre iyo danjiraha Imaaraadka u jooga Soomaaliya, Maxamed Al-Cusmaani.

Shirka jaraa’id ee mas’uuliyiintan oo dhacay Isniintii ayay labada mas’uul ku sheegeen in mashaariicdan oo ah kuwo lagu horumarinayo toban degmo oo ku yaalla degmooyinka laga saaray Al-shabaab ayna noqon doonaan kuwo ay shacabku ka faa’iidaan.

“Barnaamijyada horumarineed waxaa laga fulin doonaa 10 degmo oo dalka Somalia ku yaalla, waxaana lagu dhisi doonaa iskuullo, saldhigyo booliis, dhismayaal ay shacabku ku kulmaan, xarumo caafimaad iyo garoommo ay caruurtu ku ciyaaraan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.

Goodax wuxuu hadalkiisa ku daray in taageerada dowladda Imaaraadka ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in heshiiskan lagu fulinayo mashaariicdan uu yahay mid taariikhi ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo dowladd Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir wanaagsan oo dhinacyada diinta, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, ayna xukuumadda Soomaaliya si aad u diirran u soo dhaweynayso taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxmaed Al-Cusmani oo isaguna dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ka dhexeeyo xiriir walaalnimo oo soo jireen ah, sidaa daraadeedna ayna daneynayaan inay dalka Soomaaliya ka fuliyaan mashaariicdan horumarkeed.

“Maanta, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan sheego in dowladda UAE ay ka fulin doonto Soomaaliya mashaariic kala duwan. Mashaariicdan waxaa looga fulin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan a 10-degmo oo Somalia ku yaalla,” ayuu hadalkiisa ku billaabay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in wajiga hore ee mashruucan ay ka mid yihiin kuwa ay ka fulin doonaan degmooyinka Afgooye, Baydhabo, Jowhar iyo Marko.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya