4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka Qayb-galaya Shirka AU-da


Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga qaybgalaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Afrika (AU), kaasoo lagu wado inuu furmo gellinka dambe ee maanta.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa waxaa ku wehlinaya socdaalkiisa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cabdi C. Diirshe, waxaana wasiirku ka qaybgalayaa shirkan oo socon doona 27-28 bishan Jannaayo, kaasoo ah mid loogu gogol-xaarayo  shir madaxeedka 22-aad ee Midowga Afrika oo ay  ku kulmayaan hoggaamiyaasha iyo madaxda Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah, laguna wado inuu dhaco 29-ka bishan, looga hadli doono isku fillaanshaha cunnada iyo beeraha Afrika .

Wasiirrada arrimaha dibadda Afrika ayaa kulankooda labada cisho ah waxay  ku gorfeyn doonaan kuna ogolaan doonaan mashaariicda, go’aannada iyo tallooyinka la hor dhigi doona shir madaxeedka hoggaamiyaasha dalalka Afrika oo sidoo kale looga doodi doono xal u helidda dhibaatooyinka ammaan iyo qalalaase ee ka taagan dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyo kuwa kale .

Ururka Midowga Afrika ayaa hal-ku-dhig uga dhigay shirkan “Sannadkan 2014-ka waa sannadka beeraha iyo isku fillaanshaha cunno ee qaaradda Afrika, waxaana ururka uu u dabaal-dagayaa 10-guurada markii la ogolaaday barnaamijka dhameystiran ee Afrika ee horumarinta iyo beeraha.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cabdi Diirshe ayaa waxaa u qorsheysan muddada uu socdo shirka inay kulammo gooni-gooni ah la yeeshaan qaar ka mid ah wasiirrada, siyaasiyiinta shisheeye iyo mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa ka socda kulammo kala duwan oo qaarkood looga hadlayo arrin ku saabsan dalalka xubnaha ka noqonaya golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya ay u tartamaysaa xubinnimada golahaas, iyadoo dalal kale ay kula loolamayaan xubinnima, waxaana wafdiga dowladda Soomaaliya ay galaan-gal iyo olole xooggan ugu jiraan xaqiijinta ku guuleysiga hanashada kursigaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya