Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Nabaddoon caan ahaa oo caawa magaalada Garoowe lagu diley
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa caawa lagu diley nabaddoon caan ah oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Nugaal iyo guud ahaan deegaannada Puntland.
Nabaddoonka la diley oo ahaa nin waayeel ah, waxaa lagu magacaabi jirey Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan, wuxuuse ku magac dheeraa naaneysta ah (Xamari).
Ugu yaraan saddex dhallinyaro ah oo baaskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa in ay Nabadoonka toogteen, waxyar kaddib markii uu kasoo baxay masjid ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo salaaddii Maqribka uu kusoo tukaday.
Ragga dilka geystey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamada ammaanka iyo saraakiil ka tirsan dembi-baarista.
Ciidamada oo goobta ka sameeyey baaritaan muddo kooban socdey ayaan ku guuleysan in ay falkaas cidna usoo qabtaan, haseyeeshee saraakiil ka tirsan booliska Garoowe ayaa HOL u sheegay inay ku raad joogaan dad lagu tuhmay in ay falkaas ka dambeeyeen.
Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan wuxuu kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna mar walba u ololeyn jirey nabadda iyo xallinta khilaafaadyada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka Qayb-galaya Shirka AU-da
1/27/2014 12:39 PM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga qaybgalaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Afrika (AU), kaasoo lagu wado inuu furmo gellinka dambe ee maanta.
Dowladda Somalia oo sheegtay in Sarkaal sare laga dilay Al-shabaab
1/27/2014 12:25 PM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday xalay fiidkii duleedka degmada Baraawe ee govbolka Shabeellada Hoose uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab kaasoo magaciisa ay ku sheegtay, Axmed Cabdulqaadir Camuu oo loo yaqiinay (Isku-dhuuq).
Qaxooti badan oo billaabay in ay dib ugu soo Laabtaan Soomaaliya
1/27/2014 12:06 PM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Kumanaan ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee ku noolaa xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa bilaabay in si iskood ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid gar-gaarradii ay ka heli jireen hay’adaha Qaramada Midoobay ee gacanta ku hayay qaybo kamid ah xeryaha qaxootiyada ee dalkaas.
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Baarlamaanka (SAWIRRO)
1/27/2014 10:42 AM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe qado-sharaf ugu sameeyey xildhibaanada baarlamaanka Puntland.
Golaha Wasiirrada DF oo shir usoo gaba gaboobay (SAWIRRO)
1/27/2014 10:11 AM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Kulan wada-tashi ahaa oo shalay u furmay Golaha Wasiirrada ee Somaaliya, loogana hadlayey qorshaha xukuumadda ee sanadkan 2014 ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobey.
Qaxooti badan oo Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabanaya
1/27/2014 10:00 AM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Kumanaan ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee ku noolaa xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa bilaabay in si iskood ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid gar-gaarradii ay ka heli jireen hay’adaha Qaramada Midoobay ee gacanta ku hayay qaybo kamid ah xeryaha qaxootiyada ee dalkaas .
C/QAASIM SALAAD: Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye
1/27/2014 4:39 AM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa isaga oo xilligan ku sugan caasimadda dalka Masar ee Qaahira, wuxuu ka hadlay ku-biiritaanka ciidamada Itoobiya ee hawlgalka AMISOM.
Maraykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday Shabeellada Hoose
1/27/2014 3:59 AM EST
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi ay fuliyeen duqeyn dhanka cirka ah oo shalay lagu diley sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab.
Somali News
Somaliland clan loyalty hampers women's political prospects
-
The Guardian
1/27/2014 3:04 PM EST
After 18 years as a social activist in Somaliland, Suad Abdi feels it is time to run for parliament. But she stands as much chance of winning a seat as a camel has of passing through the eye of a needle.
UAE to implement key development projects in Somalia
-
HOL
1/27/2014 2:47 PM EST
The United Arab Emirates is planning to extend its development programs to Somalia as part of the Gulf nation’s humanitarian assistance to Somalia. The announcement was made by Somali minister of Interior and federalism Abdullahi Godah Barre and the UAE ambassador to Somalia Mohamed Al Osmani.
New Somali FM on his first AU meeting
-
HOL
1/27/2014 12:57 PM EST
The New Somali foreign and international cooperation minster Abdirahman Dualeh Beileh is on his first diplomatic tour to the Ethiopian capital Addis Ababa where he is attending the AU foreign ministers’ meeting which kicked off in Addis Ababa on Monday 27th of January 2014.
Somalia Does Not Play Well With Others
-
Strategy Page
1/27/2014 11:30 AM EST
January 27, 2014: Al Shabaab continues to survive because their appeal to Somali nationalism, and the idea that Somalis are superior to all their neighbors (which is one reason Somalis have been preying on their neighbors for centuries) appeals to enough young men to provide new recruits
AU Lauds Kenya Judiciary for Quashing Refugee Ejection
-
The Star
1/27/2014 10:12 AM EST
THE African Union has listed the move by the Kenyan High Court to stop a planned government refugee relocation program as one of 2013's human rights success cases in Africa.
Slain Shabab member was in group's intel unit
-
AP
1/27/2014 7:11 AM EST
MOGADISHU, SOMALIA — Masked al-Shabab fighters came in the dead of night to pick up bits of flesh from a burned-out car that had been hit by a U.S. missile and in which a member of the armed Islamic group's intelligence unit died, a commander in the group said Monday.
Police dismiss 'al Qaeda man' as a liar
-
The Star
1/27/2014 2:11 AM EST
Anti-terror police in Nairobi have dismissed as a liar and paranoid, the man from Nyahururu who claims to be linked to Al-Shabaab terror cell. The officers said they had on two occasions arrested and released Peter Wang’ondu, from Kinamba in Laikipia West after he claimed to have been to Somalia.
Al-Shabaab militias run the show in Mandera, says report
-
Daily Nation
1/27/2014 1:58 AM EST
MPs investigating the Westgate shopping mall terrorist attack claim security agencies have surrendered Mandera town to terrorists.
Somalis begin returning home
-
Daily Nation
1/27/2014 1:50 AM EST
AFMADOW - Thousands of Somali refugees have started returning to their country. The refugees from Dadaab said they were returning voluntarily following a reduction of food supplies at the camp and resumption of normalcy in parts of their country following the Kenya Defence Forces intervention.
Somali human rights activist honoured in Chennai
-
The Hindu
1/27/2014 1:30 AM EST
Somali human rights activist and physician, Hawa Abdi Diblawe, who refused to cow down to threats from militants after her hospital outside the capital city of Mogadishu was destroyed four times, was on Saturday awarded Tanker (Tamilnad Kidney Research) Foundation’s ‘For the Sake of Honour’ award.