4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Dowladda Somalia oo sheegtay in Sarkaal sare laga dilay Al-shabaab

Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday xalay fiidkii duleedka degmada Baraawe ee govbolka Shabeellada Hoose uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab kaasoo magaciisa ay ku sheegtay, Axmed Cabdulqaadir Camuu oo loo yaqiinay (Isku-dhuuq).

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa saxaafadda u sheegay in xukuumaddu ay xaqiijinayso dilka sarkaalkan Al-shabaab ka tirsanaa, kaasoo lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Drones-ka loo yaqaan ee Mareykanka.

“Xukuumadda Soomaaliya door bay ku lahayd duqeyntan wax bandanna way ka ogeyd, waxaana lagu dilay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsanaa oo hayay xil sare,” ayuu yiri Riwaan Xaaji C/wali.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumaddu wuxuu xusay in warkan dilka xaqiijisay wasaaradda amniga Qaranka Soomaaliya, iyado dilkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo diyaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku bartilmaameedsadaan sannadkan saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

“Howlgallada noocaan ah waa kuwo taageeraya in Somalia ay noqoto goob ka caaggan argagixisada dhibaatada ku haya shacabkeenna, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa iyaduna sheegaty inay diyaarado ay leedahay oo kuwa aan duuliyaha lahyan ay geysteen duqeynta lagu dilay sarkaalka ka tirsan Al-shabaab ee xalay la beegsaday.

Sarkaalkan oo Soomaali ah ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa aasaasayashii Xarakada Al-shabaab isla marakaana uu u qaabilsanaa isku xirka Al-shabaab iyo xubnaha ajnabiga ah ee kusoo biiraya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya