4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Qaxooti badan oo billaabay in ay dib ugu soo Laabtaan Soomaaliya


Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) — Kumanaan ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee ku noolaa xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa bilaabay in si iskood ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid gar-gaarradii ay ka heli jireen hay’adaha Qaramada Midoobay ee gacanta ku hayay qaybo kamid ah xeryaha qaxootiyada ee dalkaas.

Qaar kamid ah qaxootiga ayaa iyaga oo wata alaabahooda soo gaaray saacadihii ugu danbeeyay degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose oo xad la leh Kenya sida lagu soo daabacay wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi.

“Waxaan nagu dhiira-galisay inaan dib u laabanno sanado badan ka dib nabadda laga gaaray colaadihii horey u jiray “ayuu yiri Saciid Ahmed Jaamac oo Kenya u soo qaxay sanadkii 1991,markaas oo ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka maamulaysay .

Sidoo kale Saciid ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen ee ahaa in Soomalida dib loogu soo celiyo dalkoodi hooyo  uu keenay in la dhimo gar-gaarkii ay qaxootiga ka heli jireen beesha caalamka.

“Ciidamada difaaca Kenya ee AMISOM waxa ay gacanta ku hayaan ama ay maamulaan dhul gaaraya 186,000,waxaana  ay xoreeyeen 18 magaalo, taas oo ka dhigan in Qaxootiga ay dib u laaban karaan“ayuu yiri Brig Walter Raria oo kamid ah saraakisha ugu saraysa ciidamada Kenya.

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Josphat Maikara ayaa asbuucii hore ugu baaqay dowladda Federaalka in ay ka qayb-qaataan hirgalinta heshiiskii labada dhinac dhex-maray si Qaxootiga dib loogu soo celiyo.

“Waxaa naga go’an inaan hubino nabadda iyo xasiloonida ka dhalatay dalka Soomaliya ,marka waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay taageeraan dadaallada AMISOM”ayuu yiri Maikara oo xusay in Soomaaliya uu isbadal weyn ka dhacay.

Ugu danbayn, meelaha ugu badan ee Qaxootiyada ay soo gaareen maalmihi ugu danbaysay waxaa kamid ah Afmadow iyo Kismaayo, waxaana qaarkood ay sheegeen in ay hadda ka dib ku noolaan doonaan Soomaaliya maadaama nabadda dalka ay sidii hore ka soo raynayso.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]