4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Baarlamaanka (SAWIRRO)
Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe qado-sharaf ugu sameeyey xildhibaannada Baarlamaanka Puntland.

Qadada kaddib, waxaa kulan ay warbaahintu dibadda ka joogtay qaatay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xildhibaannada baarlamaanka oo intooda badni ay goobta ku sugnaayeen.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa warbaahinta laga sheegay ayaa Hiiraan Online u sheegay in kulanka maanta arrimo dhowr ah diirrada lagu saaray.

Qodobka ugu muhiimsan ayuu xildhibaanku sheegay inuu ahaa wada-tashi uu Madaxweynuhu baarlamaanka kala sameeyey xukuumadda cusub ee laga sugayo in uu dhowaanta soo dhiso.

Arrimaha kale ee looga wada hadlay kulanka maanta dhex maray xildhibaannada Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne C/weli Gaas ayaa waxaa kamid ahaa qorshaha dowladda cusub ee sanadka 2014.

Dhanka kale iyadoo ay muddo koobani ka harsan tahay waqtiga uu dastuurku dhigayo in madaxweynuhu uu kusoo magacaabo xukuumadda, ayaa waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo sheegay in maalinta berri ah [Talaado] uu madaxweynuhu soo bandhigi doono golihiisa wasiirrada.

Ugu yaraan saddex wasiir oo kamid ahaa xukuumaddii Madaxweyne Faroole, ayaa laysla dhex marayaa inay kasoo dhex muuqan doonaan liiska Golaha Wasiirrada cusub ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya