4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
C/QAASIM SALAAD: Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye

Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa isaga oo xilligan ku sugan caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa ka hadlay ku-biiritaanka ciidamada Itoobiya ee hawlgalka AMISOM.

Mudane C/qaasim ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay tahay mid aan xilligan loo baahnayn, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo aan munaasib ahayn qorshaha ciidamada Itoobiya loogu daray hawlgalka AMISOM.

Dhanka kele, madaxweynihii hore ee dalka, C/qaasim Salaad Xasan, wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay dowladda Soomaaliya lagu taageero sidii ay ku dhisan lahayd ciidamo xooggan oo awood u leh in ay si buuxda dalka oo dhan uga hawlgalaan.

Tallaabadaas ayuu sheegay in haddii lagu dhaqaaqo ay horseedi doonto in laga maarmo ciidamo ajnebi ah oo yimaada Soomaaliya " Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye...Soomaaliya waxay u baahan tahay in loo dhiso cidamo xooggan oo karti iyo awood u leh inay dalka oo dhan ka hawlgalaan, si looga marmaamo quwadaha ajnebiga ah..." C/qaasim Salaad ayaa yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu farriin u diray Ururka Al-shabaab, isagoo ugu baaqay inay wada-hadal oggolaadaan kana tanaasulaan afkaarta durugsan ee ay qabaan si dalku uu nabad iyo xasillooni buuxda u helo -waa sida uu hadalka u dhigaye.

C/qaasim Salaad Xasan oo Soomaaliya madaxweyne usoo noqday intii u dhexeysey [2001-2004] waxaa lagu soo doortay doorashadii ka dhacday tuulada Carta ee dalka Jabuuti Agoosto 27, 2001.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya