Axad, January 26, 2014(HOL)—Fannaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa wuxuu ku xanuunsanayaa Isbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka, halkaasi oo loo dhigay xanuun haya oo u baahan in qalliin lagu sameeyo.
Fannaanka ayaa ka codsanaya Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay soo taageeraan, si qalliinkaas loogu sameeyo. “Waxaan ahay Fannaaniinkiinii iyo ninkii aad u bixiseen boqorka codka, marka waxaan ka codsanayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay i caawiyaan oo ay tallaabo qaadaan”ayuu yiri Maxamed Saleebaan Tubeec.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Ruuxii Doonayo In uu Fanaanka Soo Booqdo Ama Qadka Taleefoonka Kula Soo Xiriiro Halka Hoose Ka Eeg. Maxamed Suymaan Tubeec.
Isbitaalka Barmherzige Bruder
Rengensburg Wadada Prüfeninger 86
93049 Rengersburg Germany
Taleefoonka Maxamed Suleymaan Tubeec
004915219220602
Wiilkiisa Mustafe Maxamed Sulymaan Tubeec
004915219220593.
Cabdirashiid Shaam Germany
[email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]