4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Samaafare ka shaqeynaya Isgoyada Muqdisho


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay sannadkii hore ka hirgeliyay isgoysyo ku yaalla magaalada Muqdisho nalalka samaafaraha loo yaqaan ee kala haga dadka iyo gaadiidka, inkastoo ay cilado sababeen.

Haddaba maalmo ka hor ayay ahayd markii isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee waddada Maka Al-mukarama laga hirgeliyay samaafarayaasha, iyadoo maamulka gobolka uu sheegay inay gaarsiin doonaan dhammaan isgoysyada Muqdisho.

Taliska ciidamada ilaalada waddooyinka ayaa soo dhaweeyay in isgoysyada Muqdisho qaarkood laga hirgeliyo samaafarayaasha, kuwaasoo horseedi kara inay yaraadaan shilalka gaadiidka iyo in gaadiidka sida xowlgia ah ku mara isgoysyada, kuwaasoo sababa mararka qaarkood inay dad rayid ah dilaan.

Sidoo kale, Jen. Cali Gaab oo ah taliyaha taraafikada Muqdisho ayaa sheegay shalay oo inaysan ogolaan karin in waddooyinka Muqdisho la calaamadeeyo iyadoo aan la dhameystirin dayactirka waddooyinka ku socda.

“Isgoyska Xaawo-taako waxaa lagu dhigay calaamad aanan ka war-qabin, waana mid si khalad ah loo dhigay, waxaana ka codsanaynaa cid walba oo ku howlan inay lasoo xiriirto ciidamada ilaalada waddooyinka, ciddii lagu helo iyadoo calaamdaha sii wadana waxaan la tiigsan doonnaa sharciga,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo hadalkaas kaddib la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in calaamadahaas ay iyagu mariyeen waddooyinka, balse ma sheegin inay sii wadi doonaan iyo in kale.

Hadalladan ayaa waxay imaanayaan xilli waddooyinka Muqdisho ay dayactir ku wadaan shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaasoo sheegay inay ka go’an tahay inay dayactir dhameystiran ku sameeyaan waddooyinka Muqdisho oo dhan.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya