4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Duqeeyay Duleedka Baraawe

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Gaadiid uu la socday sarkaal Al-shabaab ka tirsan ayaa goor dhow lagu bartilmaameedsaday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalka la weeraray ayaa loogu yeeri jiray Sahal Camuu, iyadoo wararku ay sheegayaan in gaarigii uu saarnaa sarkaalka iyo dad la socday uu burburay, lana rumeysan yahay inay ku dhinteen dhammaantood.

Duqeyn oo ahayd mid ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Mareykanku leeyahay ayaa lagu bartilmaameedsaday sarkaalkan iyo gadiidkii uu la socday, iyadoo weli Al-shabaab aysan warar kasoo saarin weerarka lagu bartilmaameedsaday sakaalkan iyo gaadiidkii uu la socday.

“Waxaan joogaa Mudul-baraawe waxaan arkay gaari ay wateen xubno Al-shabaab ka tirsan oo dhulka lala simay, dadkii ku jiray oo dhan way dhinteen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaan ku dhow halka duqeyntu ay ka dhacday oo la hadlay BBC-da.

Goobjooge kale ayaa isaguna sheegay in goobta ay duqeyntu ka dhacday ay ku sugan yihiin xoogag taageersan Al-shabaab oo aysan jirin cid u dhawaan karta, goobtuna ay tahay meel ay dad reer guuraa ah ku nool yihiin.

Ma jiro weli war sugan oo laga hayo weerarkan iyo tirada dadka ku dhintay, balse waxay tani ka mid noqonaysaa weerarro cirka ah oo horay looga geystay deegaannadaas kuwaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo isugu jiray Somali iyo ajnabi.

Gobollada Shabeellada Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka ayaa ah goobaha inta badan lagu bar-tilmaameedsado saraakiisha sare ee Al-shabaab, waxaana inta badan weerarradan fuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Mareykanku leeyahay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha duqeyntan waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya