4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Xildhibaanad Shukran oo lagu soo dhaweeyay Minnesota (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Xaflad si qurux badan loosoo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka ee Safari Hall lagu soo dhaweynayay xildhibaanad Shukran Xuseen Guure oo laga soo doortay degmada Gaarisa ee gobolka Soomaalidu degto ee dalka Kenya, isla markaana xubin ka ah baarlamaanka haweenka Qaaradda Afrika ee xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika.

Inj. Jabril Saciid Afyare oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaasha xafladdan ayaa sheegay in reer Minnesota ay uga mahadcelinayaan Shugran booqashada ay ku timid gobolka, iyadoo deggen Minnesota kuna haysata ganacsi wayn bay door-bidday inay gudaha tagto u shaqayso dadkeeda baahiyaha haysta, tan labaad wuxuu xusay inaysan weligood iloobayn siday ugu hiilisay haweenka ku nool degmadaas oo ay u sameysay mashaariic fara badan.

Waxaa goobta ka hadlay culummaa’uddiin, odayaal, aqoonyahanno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo Kenya ee Minnesota oo dhammaantood uga mahadceliyay Shukran dadaalkii ay u gashay inay ka mid noqoto golaha baarlamaanka Kenya, iyadoo ah xubinihii ugu horreeyay ee  haween ah oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya oo booqasho ku taga gobolka Minnesota.

Cadar Axmed Kaahin oo xubin firfrircoon ka ah Soomaalida Minnesota ahna wacyi-geliye xagga caafimaadka ka tirsanaan jirtay fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa hadalkeeda ku billowday: “Waxaan aad ugu farax-sanahay in ragii ay maanta marti noo yihiin hadday ahaan lahaayeed culumo iyo odayaal.” Waxay kaloo ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan bulshada horumarkeeda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Shukran oo iyaduna hadashay waxay ugu horreyn u mahadcelisay dadka ku nool Minnesota ee ku taageeray xilligii ay u ololeynaysay ka mid noqoshada baarlamaanka Kenya.

“Kursigii haddaad i saarteen haddana waxaan u baahanahay inaad I gala qayb-gashaan horumarinta mashaariicda ay ugu horreeyaan dhismaha Isbitaal haweenku ku dhalaan oo aan doonayno inaan ka hirgiliyo deegaanka Dhadhaab oo ay haweenka halkaas ugu dhintaan gargaar la’aan maadaama aysan awoodin inay helaan umuliso, dhiig-joojin iyo gaadiid lagu geeyo goobaha ay ku dhalayaan,” ayay tiri Shukran.

Sidoo kale, waxay xustay sababaha ay Minnesota u timid kuwaasoo ay ugu horreeyaan inay wado qorsho lagu mataaneynayo St Catherine School oo lagu barto caafimaadka oo ku yaalla gobolka Minnesota iyo Iskuul Gaarisa ku yaalla oo lagu barto caafimaadka. Waxaan kaloo kawada hadalnay ayay tiri Shukran sidii ay nooga kaalmeen lahaayeen xagga qalabka caafimaadka ay ardaydu wax ku bartaan loona isticmaali karo Isbitaalka magaalada

Khudbaddii Shukran oo socotay 45-daqiiqo ayay ka hadashay dhinacyo kala duwan sida ka mid ahaanshaheeda baarlamaanka haweenka qaaradda Afrika oo ay sheegtay inay u matasho haweenka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay suugaan kala duwan filim gaaban oo ka hadlay mashaariicda ka socda degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, qaybaha waxbrashada, gargaarka bini'aadanimo iyo caafimaadka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota