4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Inj. Waraabe oo ka hadlay aqoonsiga dowladda Somalia ee Khaatumo

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqoonsan yahay maamulka Khaatumo, Somalilandna ay aqoosan doono maamulllada aysan dowladdu isku fiicnayn ee Koonfurta Soomaaliya ka jira.

Inj. Waraabe ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli dhawaan uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inay soo dhaweynayaan maamulka Khaatumo oo ay dhul ku muransan yihiin maamulka Somaliland.

"Xasan Sheekh waxaa leeyahay haddaad Khaatumo u aqoonsatay maamul ka jira Soomaaliya, innaguna waxaan aqoonsan doonaa maamullada kasoo hrojeeda dowladda ee ka jira Koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri Inj. Feysal oo tusaale u soo qaatay maamul uu ku sheegay Shabeellada Hoose, kaasoo aan la ogeyn halka uu ka jiro.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dhanka kale xusay in madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland laga rabo inuu ka shaqeeyo nabadda.

“Madaxweynaha Puntland waxaan u sheegayaa inuusan sheegan karin Sool iyo Sanaag, waxaana laga doonayaa C/weli Gaas inuu ku shaqeeyo caqli oo aanu dhibaato abuurin,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Inj. Feysan ayaa dhawaan sheegay inuusan aqoonayn qodobbadii heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen dalka Turkiga uusan aqoonsanayn, isagoo ku taliyay in la joojiyo wadahadallada dowladda Soomaaliya lagula jiro.

Hoggaamiyahan ayaa wuxuu sheegay in sababta uu uga soo horjeestay wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu qiyaanay dhankooda, isagoo eedeyn kulul u jeediyay xubnihii Somaliland uga qayb-galay shirkaas.

Somaliland ayaa 22-sano baadi-goobaysa aqoonsi ku aaddan inay noqoto dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aysan dunida ka helin wax aqoonsi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya