4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Boosaaso: wasaaradda amniga oo soo bandhigtay hub (SAWIRRO)

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay qalab iyo hub ay sheegtay in laga soo qaaday deegaanno hoos taga tuulada Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo shalay ciidamada ammaanka ee Puntland iyo xoogag Al-shabaab ka tirsani ay ku dagaallameen.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed iyo taliye ku-xigeenka booliska Puntland Jen. Muxiyaddiin Axmed Muuse, ayaa shir-jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen waxay ku sheegeen in shalay oo Sabti ahayd howlgal ay ciidamada Puntland sameeyaan lagu soo burburiyey goob ay dagaal-yahannada Al-shabaabku u adeegsan jireen inay qaraxyada ku farsameeyaan.

Taliye ku-xigeenka booliska Jen. Muxiyaddiin Axmed Muuse oo isagu hadalka ku horreeyey, ayaa sharraxay agabka ay maanta warbaahinta usoo badhigeen, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay: raashin, daawo, miinooyin diyaarsan, raadiyeyaal iyo qalabka qorraxda tamarta ka dhaliya ee soolarka.

Wasiir ku-xigeenka amniga oo isna intaas kaddib hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii shalay iyo weliba qaabkii uu u dhacay. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay weerareen tuulada Galgala oo xarun u ah Al-shabaab.

Bar-tilmaameedka weerarka ayuu sheegay inuu ahaa wershed yar oo lagu sameyn jirey walxaha qarxa ee loo adeegsado qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn. Saddex ka tirsanaa ciidamada Al-shabaab iyo hal askari oo dhinaca Puntland ahaa ayuu sheegay in ay iska-hor-imaadkaas ku dhinteen.

Dagaalka shalay ka dhacay agagaarka degmada Galgala oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab waa kii ugu horreeyey ee halkaas ka dhaca tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2014, waxaana ku geeriyoodey ugu yaraan 4 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya