4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Hay’adda SYPD oo Baladweyne guryo uga dhistay qoysas dan yar ah


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Marka laga soo tago xaalada nolaleed ee liidata barakacayaasha ee  ku dhaqan magaalada Beledweyne sidoo kale waxaa ay dhibaato xoog leh ka heystay dhinaca hoyga oo muhiim u ah marka la eego nolasha Aadannaha guud ahaan.

Qoysaskan isugu jira barakacayaasha waxaa ay ku nool yihiin xero ay ka dhax dhisteen guryo macmal ah oo ka sameysay cooshado ay adag tahay in uu qofna uu ku noolaado.

Hadaba mashruuc ay wadajir isaga kaashadeen hay’addaha SYPD iyo CHF–SOMALIA, ayaa markii ugu horeysay waxaa magaalada Beledweyne looga her-galliyay guryo  deegaan ah oo loogu talagalay qoysaska dan’yarta ah ee ku nool xeryahay barakacayaasha oo maanta si rasmi ah ula wareegay ilaa 70 guri.

Madaxa mashruucan C/fitaax C/qaadir Cadow ayaa HOL u sheegay in guud ahaan marka la eego deegaameynta dadka dan-yarta ah ee  ku dhaqan magaalada Beledweyne loogu tallagalay ilaa 100 guri, laakiin hadda si rasmi ah loo soo dhameystiray 70 guri oo lagu wareejiyay qoysaskii nasiibka u yeeshay, lana soo dhameystiri doono tirada ka dhiman gaaraya 30-ka guri.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wuxuu intaa ku darray in sidoo kale ay jiraan 200 oo qoys oo loo qsybiyay Baco iyo agab kale oo ay ka dhisanayaan guryo ka tayo wanaagsan kuwa hadda ay ku nool-yihiin, kuwaa durbaba laga hergaliyay xeryahay barakacayaasha.

“Mushruucan waxaa loogu tallagalay in ay ka faa’ideystaan ilaa 850 qoys oo ku  kala nool magaalooyinka Beledweyne iyo Marka, waxaa lagu guuleystay in 70 guri laga hergaliyay magaalada Beledweyne iyo degmada Marka laga dhisay ilaa 80 guri, mashruuca wali waxbaa ka dhiman, waxaana rajeyneynaa in aynu soo gabagabeyno billaha nagu soo foolka leh,’’ ayuu yiri C/fitaax C/qaadir Cadow.

Qoysaska lagu wareejiyay guryaha iyo waliba kuwa loo qeybiyay agabkii ay ka dhisan lahaayeen guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay ku nool yihiin, ayaa dhinaca kale waxaa ay qaateen tababaro la xiriira qurxinta deegaanka, waxaana guryaha laga dhax biyay jidad cabirkiisu gaarayo 4mt, halka guri walba kan kale uu u jiro 2mt, taasoo sare u qaadeysa bilicda goobaha laga dhisay guryahan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo goob joog ka ahaa ku wareejinta guryaha qoysaskii loogu tallagalay ayaa siweyn u soo dhaweeyay mashruuca oo sida uu sheegay ah mid siweyn loogu baahnaa.

"Runtii waa mashruuc wax weyn ka taraya daaruufaha nolaleed ee dadkan lasoo darsay, waayo wax uga darran malaha qofka bani’aadamka ah in uu waayo hoy iyo meel uu ka gallo dhaxta iyo kuleylka, waana uga mahad celineynaa hay’adaha  arrinta iska kaashaday, waxaana leenahay hay’adaha kale waa in aad sidan oo kale wax muuqda oo la taaban karo u qabataan dadkan dhibaateysan,’’ ayuu yiri Sheekh Xusseen Cismaan Cali.

Qof ka tirsan mid ka mid qoysaskii nasiibka u yeeshay maanta in lagu wareejiiyo guryaha oo HOL la hadllay ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay hoygan uu hellay isaga oo u mahad celiyay hay’addihii wadajirka isaga kaashaday hergalinta mashruucan.

Qoysaskan dan’yarta ah oo siyaabo kala duwan uga soo barakacay goobihii ay ku noolaayeen ayaan wax samafal ah ka hellin hay’addaha ka howlgala magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya