4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Hay’adaha Amaanka Kenya oo fududeysta Hanjabaadaha Al-shabaab

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay inay fududeystaan hanjabaadaha inta badan kaga yimaada Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in kooxdan ay dhowr jeer ku hanjabtay inay weerarro ka geysanayso Kenya.

Weerarkii ay Al-shabab ku qaadday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa la sheegay in hay’adaha ammaanka Kenya lagu wargeliyay bil ka hor inta uusan weerarkaas dhicin, laakiinse aysan dheg jalaq u siin oo ay fududeysteen.

Guddi ka tirsan baarlamaanka Kenya oo baaris ku sameeyay weerarkii lagu qaaday Westgate ayaa sheegay in 19 cisho ka hor ay hay’addaha ammaanka Kenya heleen xog ku saabsan in Al-shabaab maleegayso weerar ka dhan ah xaruntaas hase ahaatee ay iska dhego tireen.

Wargeyska Sunday Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa cadadkiisii maanta oo Axad ah lagu shaaciyay warbixin ay soo saareen guddiga baarista ku sameeyay dhacdadii Westgate, taasoo sheegaysay in xubno ka tirsan sir-doonka Kenya lagu wargaliyay in Al-shabaab ay damacsan tahay inay weerar ku qaaddo xaruntaas, balse sida muuqatay ay fududeysteen.

“Waxaa jirtay digniin guud oo hay’adaha amniga dalka Kenya loo diray taas oo muujinaysa in Al-shabaab ay doonayaan inay gudaha waddanka Kenya ku beegsato xarumaha ganacsiga ee waaweyn iyo danaha reer galbeedku, balse nasiib-darro hay’adahan ma aysan qaadin tillaabooyinkii loo baahnaa,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saareen guddiga baarlamaanka Kenya.

Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka dalka Kenya oo ay eeddan kaga jawaabayaan, hase ahaatee dhawr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay booliiska Kenya inay inta badan fududeystaan fariimaha digniinta ah ee kaga yimaada Al-shabaab.

Xarakadda Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee Naiorbi, kaasoo galaaftay nolosha 67-qof oo isugu jiray Kenya iyo ajaanib kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya