4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Shirkii Labaad ee Maal-gashiga Soomaaliya oo lagu Qabanayo Dubai

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa marti–galinaysaa shirka maalgashiga Soomaaliya wajigiisa labaad ,kaasi oo lagu wado in uu dhaco bisha April lixdeed ee sanadkan 2014-ka, iyadoo ay ka soo qayb-gali doonaan madax kala duwan oo ka kala socota wadamada Caalamka.

Shirkan oo ay si wadajir ah u wada qaban-qaabinayaan dowladda federaalka iyo ururka Somalia Economic Forum (SEF) ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo waddooyinka ugu haboon ee loo mari karo maal-gashi ay shirkadaha waa weyn ka sameeyaan gudaha dalka.

In ka badan 250 hogaamiye oo ay ku jiran khuburo dhinaca ganacsiga ah iyo mulkiilayaasha shirkado gaar loo leeyahay ayaaa iyagana ka soo qayb-gali doona kulankaas oo ka dhici doonaa magaalada Dubai.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu soo hadal-qaadayo shirkaas waxaa ka mid ah horumarinta fursadaha hadda jira iyo in Soomaaliya ay hesho saaxiibo dhinaca dhaqaalaha  kala taliya si loo hubiyo heerka isbadal ee ilaa iyo hadda la gaaray.

Sanadkii hore waxaa  magaalada Nairobi lagu qabtay  wajigii koowaad ee kulankan hadda loo ballansanyahay  ,waxaana uu ka dhacay Hotelka Intercontinental ,isaga oo soconayay muddo laba maalin ah .

Dr Xaawa Cabdi oo iyadu  ka qayb-gashay shirkaas ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro arimaha bulshada iyo waliba dhaqaalaha si kor loogu qaado dhismaha dalka oo ay dagaallo bur-bur xoog leh sababay  ka dhaceen.

Ugu dnabayntii  khuburro ku xeel dheer dhinaca dhaqaalaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istiraatiiji u ah maal-gashiga, waxaana arimaha kale ee iyagana diiradda la saarayo kamid ah Shidaal barista, isgaarsiintga iyo waliba ganacsiyo loo abuuro danyarta Soomaaliyeed.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]