4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladdiisu ay hub soo iibsanayso


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horreysay tan iyo markii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay cunnoqabateynta hubka ka qaadday Soomaaliya sannadkii hore inay hub kasoo iibsanayaan dalal aanu carrabaabin.

Wareysi uu siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayuu madaxweynuhu ku sheegay in qorshaha dowladdiisu ay tahay mid ay ku doonayso inay ku cirib-tirto kooxda Al-shabaab.

“Tani waxay naga caawinaysaa sidii aan ciidankeenna ugu heli lahayn qalab ciidan oo dhameystiran, si aan uga hortagno dagaallada aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Bishii Maarso sannadkii 2013 ayay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaaddeen cunnoqabateyntii hubka ee Somalia tasoo saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay xariga Sh. Xasan Daahir Aweys oo kasoo goostay bartamihii sannadkii hore Xarakada Al-shabaab, kaasoo gacnta ugu jira ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Sheekh Xasan Daahir waxaa lagu hayaa goob ammaan ah, ma jiro wax xukun ah oo weli lagu riday, xukuumadduna waxay go’aan ka gaari doontaa arrintiisa markii ay ha’yadaha ammaanku soo dhameystiraan su’aalaha ay weydiinayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii hore ee Soomaaliya, isagoo gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya tan bishii Juun 2013, inkastoo aan go’aan cad weli laga qaadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya