4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
War Deg-Deg: Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda NRO oo lagu toogtay magaalada Gaalkacyo


Sabti, Saturday, January 25, 2014 (HOL) - Waxaa goor dhaweeyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lugu dilay Sargaalkii ugu sareeyey ee mid ka mid ah hay'addaha sama-falka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Sargaalkaan waxaa la sheegay in la togtay xilli uu ku sugna xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo inta u dhaxeysa Hotel Cagaarwayne & Warshad Galay.

Mas'uulkan ay toogten kooxda hubaysan ayaa waxaa lugu magacaabi jiray   Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere), waxaana la sheegay inuu ahaa madaxii  ugu sareeyey ee hay'adda sama-falka ah ee lugu magacaabo NRO, taaso ka shaqeyn jirtay arrimaha bini'aadanima iyo waxbarashada.

Kooxdi dilka geesatay ayaa la sheegay inay markiiba goobta ka baxsadeen,b alse dadka goobta ka agdhawaa waxaa ay caddeyeen in dilkaan ay geesten dhowr nin oo ku hubaysna bastoolado, waxaana sida xaqiijiyey mas'uulka ka tirsan hay'adda NRO.

Laamaha ammaanka magaalada Gaalkaco majiro wali wax war ah oo ay ka soo saaren dilka sarkaalkan.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya