4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Al-shabaab oo u Hanjabtay Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM


Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay inay cusboonaysiinayaan weerarrada ay ku qaadaan AMISOM, kaddib markii la shaaciyay in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdeen howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in hoggaanka Al-shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyaha guud ee kooxdan Axmed Cabdi Godane ay kulan yeesheen toddobaadkii hore, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya si rasmi ah ugu biireen howgalka.

“Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab waxay isku raaceen inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo wareysi siinayay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

“Ciidamada Itoobiya horay ayaan u jabinnay, haddana dagaal adag ayaan la geli doonnaa,” ayuu afhayeenka Al-shabaab hadalkiisa ku daray, wuxuuna ku daray hadalkiisa in xoogaggoodu ay ku ugaarsan doonaan AMISOM meel walba oo ay ku arkaan.

Markii ugu horreysay ayay ciidamada Itoobiya soo galeen Somalia sannadkii 2006 iyagoo dagaallo adag la galay xoogaggii maxkamadaha Islaamka, balse waxay dib ugu soo laabteen sannadkii 2011, markaasoo ay Al-shabaab mar kale ka saareen deegaanno ay ka mid tahay Baydhabo oo hadda saldhig u ah.

Dowladda Itoobiya ayaa noqonaysaa dalkii lixaad oo ku biira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo u soo diraysa Soomaaliya 4,395 askari si ay u xoojiyaan, waxaana kaga horreeyay howlgalka dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM ayaa waxay gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxayna dagaallo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah ku qaadda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

AMISOM ayaa waxay sheegtay inay dhawaan qaadayso dagaallo ay dalka oo dhan kag saarayso Al-shabaab, iyadoo sidoo kale madaxda dowladda Somalia ay iyaguna ballanqaadeen in sannadkan uu noqon doono kii lasoo af-jari lahaa Al-shabaab.

“Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM waxay muujinaysaa in la doonayo in lagu qariyo awood-xumada ciidamada, kuwaasoo xitaa awood u yeelan waayay inay ka hortagaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in soo gelintaanka ciidamada Itoobiya iyo Kenya uu yahay mid ay ka dambeyso beesha calaamka si ay ugu fushadaan dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leeyihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya