4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda EU (SAWIRRO)
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe wuxuu maanta ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Wafdigan oo Garoowe u yimid ka qayb-galka xafladdii lagu caleema saarayey madaxda cusub ee Puntland, waxaa hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone.

Wafdiga Cervone oo ay kamid yihiin wakiillo ka socda dalalka: Ingiriiska, Norway iyo Talyaaniga ayaa kulan muddo saacad ku dhow socdey waxay la qaateen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Kulanka labada dhinac waxaa diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah, waxaase qodobadii laga wada hadlay ugu muhiimsanaa: xoojinta xiriirka labada dhinac [Puntland iyo Midowga Yurub], dardar gelinta taageerada uu Midowga Yurub siiyo Puntland iyo weliba dhamaystirka mashaariicda uu Midowga Yurub dhaqaalahooda bixiyey ee xilligan Puntland ka socda.

Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Garoowe ka dhoofay qaar badan oo kamid ah wufuuddii Puntland u yimid ka qayb galka xafladdii caleema-saarka madaxda cusub ee shalay Garoowe ka dhacday.

Madaxda maanta garoonka Garoowe ka duulay waxaa kamid ahaa madaxweynaha Maamulka  Jubba Axmed Madoobe. Mas'uuliyiinta ugu sarreeya Dowladda Puntland ayaa sagootiyey wafdiga Sheekh Axmed Madoobe oo dhinaca magaalada Kismaayo u duulay.

Sheekh Axmed Madoobe oo xilligii uu Garoowe ka safrayey si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa dadka iyo Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida fiican ee ay Garoowe ugu soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Gaas oo isna intaas kaddib hadlay ayaa u mahadceliyey dhammaan wufuuddii tirada badneyd ee magaalada Garoowe u yimid si ay uga qayb qaataan munaasabaddii caleema-saarka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Shalay oo Jimce ahayd [Janaayo 24, 2014] waxaa magaalada Garoowe ka dhacday xaflad ballaaran oo ku dhowaad labo kun oo qof ay kasoo qayb galeen, xafladdaas oo lagu caleema saarayey madaxda cusub ee Puntland hoggaamin doonta shanta sano ee soo socota kuwaas oo la doortay [Janaayo 8, 2014]

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya