Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
PUNTLAND: " Al-shabaab khasaare xooggan ayaan u geysaney"
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan, ayaa
shir-jaraa'id oo Garoowe uu ku qabtay wuxuu
kaga warbixiyey dagaal maanta deegaanka Galgala -oo qiyaastii 55km magaalada Boosaaso koonfur galbeed kaga beegan- ku dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntlad iyo xooggaga Al-shabaab ee fadhigoodu uu buuraha Golis yahay.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen deegaanno ay isku uruursanayeen kooxo ka tiran Al-shabaab goor hore oo saaka ah, kaddib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ay deegaannadaas ka wadaan.
Khasaare xooggan ayuu sheegay inay u geysteen islamarkaana ay ku khasbeen inay u cararaan dhul aad uga durugsan meesha uu saaka dagaalku ka dhacay. Saddex dagaal-yahan oo Shabaabka ka tirsanaa ayuu Khaliif Ciise xusay in dagaalkaas lagu diley todobo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka ciidamada Pun
tlan
d khasaaraha soo gaaray mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in hal askari uu dhintay. Wasiirku ma carrabaabin tirada askarta dhanka ciidamada Puntland ka dhaawacm
ay
,
haseyeeshee ugu yaraan 4 askari oo dhaawac ah ayaa g
elinkii hore e
e
maanta lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.
Kol. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhanka kale hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Puntland isagoo ugu mahadceliyey sida ay ammaanka u adkeeyeen xilligii doorashada iyo weliba sida ay mar walba xoojinta ammaanka iyo nabadgelyada deegaanada
Puntland
ugu heellan yihiin.
Ugu dambeyntii ku-simaha wasiirka amnig
a
ee Puntland wuxuu baaq u diray dadweynaha reer Puntland isagoo ku boorriyey in ay ciidamada ammaanka si joogto ah ula shaqeeyaan maadaama taageerada bulshada la'aanteed ay adagtahay in nabadgelyada si hagaagsan loo sugo.
Ma jiro wax war ah oo ku aaddan dagaalka maanta deegaanka Gal
gala k
a dhacay oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-shabaab.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
War Deg-Deg: Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda NRO oo lagu toogtay magaalada Gaalkacyo
1/25/2014 4:20 PM EST
Sabti, Saturday, January 25, 2014 (HOL) - Waxaa goor dhaweeyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lugu dilay Sargaalkii ugu sareeyey ee mid ka mid ah hay'addaha maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.
Al-shabaab oo u Hanjabtay Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM
1/25/2014 2:12 PM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay inay cusboonaysiinayaan weerarrada ay ku qaadaan AMISOM, kaddib markii la shaaciyay in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdeen howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.
Naadiga Badbaado oo ka qayb-galay caleemo-saarkii Cabdiweli Gaas
1/25/2014 2:12 PM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Waxa galabta dib ugu soo laabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho wafdi ka socday Naadiga Badbaado Qaran oo ka qayb-galay caleemo-saarkii madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taasoo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda EU (SAWIRRO)
1/25/2014 9:16 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe wuxuu maanta ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukunno ku ridday eedeysanayaal
1/25/2014 7:17 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday dhowr qof oo loo haystay falal ay ka mid yihiin burcadnimo, kufsi iyo dil, iyadoo qaar ka mid ah eedeysanayaasha dib loo dhigay dacwadooda.
Dibadbax looga horjeedo Al-shabaab oo Maanta ka dhacay Muqdisho
1/25/2014 6:56 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Mudaaharaad looga horjeeday kooxda Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo laga sheegay dibadbaxa in laga bannnaan-baxayo hadal been abuurasho ah oo ay Al-Shabaab ka faafisay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo dibadbaxa ay ka qayb-galeen boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray dhallinyaro, haween iyo madax ka tirsan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Qarax ay ku dhinteen labo Ruux oo ka dhacay dulleedka Beledweyne
1/25/2014 6:29 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Labo ruux ayaa ku geeriyootay kaddib markii ay ku qaraxda miino ay ku aasayeen saqdii dhexe ee xalay dulleedka galbeed ee magaalada Beledweyne sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.
Ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab oo saaka dagaallamay
1/25/2014 5:04 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay meel qiyaastii 30km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
DAAWO SAWIRRADA: Xafladdii Caleema-saarka Madaxda Puntland
1/25/2014 4:19 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo isugu jirtey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland iyo weliba casho-sharaf loo sameeyey boqollaal wufuud ah oo Garoowe u yimid si ay xafladda caleema saarka uga qayb galaan.
BOOSAASO: Saldhigga dhexe ee booliska oo bumbooyin lagu tuuray
1/25/2014 3:56 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Labo bumbo oo nooca gacanta ah ayaa xalay lagu tuuray saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho iyo Afgooye oo shaqadii joojiyay
1/25/2014 12:35 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay inay maanta shaqo-joojin sameeyeen, kaddib markii ay sheegeen inay isbaarooyin kusoo bateen inta u dhexeysa Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.
Gaas: “Dowladda waan la shaqeyn haddii ay dastuurka ku dhaqanto”
1/25/2014 12:34 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xaflad ka mid ah kuwii lagu caleemo-saarayay oo xalay ka dhacday magaalada Garoowe ka sheegay inay dowladda federaalka ah la yeelan doonaan wada-shaqeyn haddii ay ku dhaqanto dastuurka.
Al-shabaab oo u hanjabtay wasiirrada cusub ee Xukuumadda Somalia
1/25/2014 12:33 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shahaab ayaa markii ugu horreysay u hanjabtay wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Kooxo hubeysan oo dad shacab ah ku toogtay degmada Balad-xaawo
1/25/2014 12:32 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay laba qof ku toogtay bartamaha degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo ay u suuro-gashay inay markiiba goobta ka baxsadaan.
Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Gobolka Shabeelada dhexe
1/25/2014 12:31 AM EST
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM eek u sugan gobolka Shabeellada dhexe ayaa billaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo maamulka gobolkaas uu sheegay in dhawaan ay billaabanayaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Somali News
Canada: Former, current KPU students partner to bring aid to Somalia
-
The Surrey Leader
1/25/2014 1:26 PM EST
On a visit to Somalia in 2008, Mohamed Ahmed was struck by what he saw: People with mental health issues staggering down the street, ignored by passersby, children whose bony limbs poked from beneath rags and oversized clothing, beggars with vacant eyes, and hundreds of others afflicted by war, disease and natural disasters.
Phone Data Cut After Somali Militant Threat
-
AP
1/25/2014 12:45 PM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — Residents in parts of Somalia under militant control say at least one cellular telephone company has shut down data services in response to a threat from al-Qaida-linked extremists.
Landmine blast kills two in centeral Somalia
-
HOL
1/25/2014 12:36 PM EST
At least two people have died when a landmine they were burying in the western outskirts of the central Somali city of Belebweyn went off in mid last night, according to military officials in the city who were reached for comment by HOL on Saturday morning.
Somali Islamists vow to boost attacks as Ethiopia join AU Force
-
AFP
1/25/2014 2:56 AM EST
Mogadishu (AFP) - Somalia's Shebab insurgents called Saturday for renewed attacks against foreign forces, after arch-enemy Ethiopia joined the African Union force battling the extremists.
Minneapolis: Cedar-Riverside raises money for Somali fire survivors
-
KARE
1/25/2014 1:30 AM EST
MINNEAPOLIS - The Cedar-Riverside community came together on Friday night to raise money for the survivors of the New Year's Day explosion and fire. The event was sponsored by the Cedar Cultural Center, Augsburg College and WFAI radio.
Al Shabaab: Ethiopia’s AMISOM involvement makes no sense
-
HOL
1/25/2014 1:20 AM EST
Al Shabab militants fighting in Somalia have strongly reacted to the inclusion of Ethiopian forces into the African Union Peace keeping mission in the country, calling on their supporters to take up arms against what they described as the ‘enemy occupation’ in the country.