4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Dibadbax looga horjeedo Al-shabaab oo Maanta ka dhacay Muqdisho


Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Mudaaharaad looga horjeeday kooxda Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo laga sheegay dibadbaxa in laga bannnaan-baxayo hadal been abuurasho ah oo ay Al-Shabaab ka faafisay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo dibadbaxa ay ka qayb-galeen boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray dhallinyaro, haween iyo madax ka tirsan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadweynaha dibadbaxa ka qaybgalay ayaa socod kasoo billaabay iskuulka 15-ka May ee degmada Wardhiigley iyagoo isugu soo ururay xarunta degmada, waxaana halkaa hadallo ka jeediyay madax ka tirsan degmada Wardhiigley, Xamar Jajab iyo maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Caaqil Xasan Cilmi Yaxye iyo xubno kale.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo Cabdulqaadir Axmed oo goobta ka jeedisay khudbad furitaan ah ayaa sheegtay in Sheekh Cali Dheere uu yahay ninkii ku lugta lahaa xasuuqa shacabka Muqdisho, isla markaana uu maciin-bidayo maanta in dadkii uu shalay xasuuqay maantana leeyahay waan wadahadalnay.

"Hawiye ma ahan xaabo dabka lagu shito, Sheekh Cali Dheere way shacabka Soomaaliyeed waxaad tahay, mana ahan maanta inaad qabiil ku gabatid," ayay tiri Deeqo C/qaadir oo intaas raacisay inaysan jirin beel Hawiye oo Al-Shabaab la kulantay ama heshiis kula gashay inay ku taageeraan fikradda qaldan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiye Deeqo ayaa intaas ku dartay in haddii Sheekh Cali Dheere iyo kuwa ku fikirka ah ay dowladda isku soo dhiibaan ay soo dhaweyn doonaan shacabku, hase yeeshee waxay sheegtay in maanta qofka ku fikirka Sheekh Cali Dheere ay yihiin kuwo lunsan.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) wuxuuna sheegay in hay'adda CCD uu uga mahad-celinayo abaabulka kulamada iyo dibad-baxyada dadku ay uga hortagayaan kooxaha Al-shabaab oo uu sheegay inay iyagu kasoo mareen dhibaatooyin kala duwan.

"Dowladda iyo shacabka oo isku duuban waxay iska xoreynayaan Al-shabaab oo dhibaato ku haysa," ayuu yiri Warsame Joodax oo sheegay in ka maamul ahaan ay ka go'an tahay inay Muqdisho ka xoreeyaan Al-shabaab oo tallaabo cad ka qaadaan, kuwa dhulka qaraxyada gelinaya ee gaadaya dadka sidii ay u dili lahaayeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa xusay in Muqdisho ay ka dhigayaan magaalo nabad ah, isla markaana ay soo gabagabaynayaan haraaga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya magaalada.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka ayaa isna sheegay in been aan sal iyo raad toona lahayn kulan dhex-maray Al-shabaab iyo odayaasha beelaha Habar-gidir, wuxuuna xusay in Al-shabaab aanay marnaba la heshiin doonin.

"Al-Shabaab ha soo dhaweysanina, ma ahan wax lasoo dhaweysto waxay ku jiraan xilligii rafashada awood aanay lahayn ayayna iska raadinayaan,” ayuu yiri Caaqil Yaxye oo sheegay mar kale inaysan jirin beel heshiis la gashay Al-shabaab.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii dibadbaxa ka hadlay wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan nabad jiri karin haddaan la helin shacab iyo dowlad isku duuban oo wada-shaqeyn ballaaran ka dhaxeyso.

"Waxaan ugu baaqayaa xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed inay u halgamaan sidii dalka nabadda iyo horumarka loogu soo celin lahaa," ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo sheegay inaan la gaaraynin yoolka la hiigsanayo haddii shacabka iyo dowladda kala qoqoban yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya