4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2014
Qarax ay ku dhinteen labo Ruux oo ka dhacay dulleedka Beledweyne

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Labo ruux ayaa ku geeriyootay kaddib markii ay ku qaraxda miino  ay ku aasayeen saqdii dhexe ee xalay dulleedka galbeed ee magaalada Beledweyne sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidamada xoogga ee maamulka gobolka Max’ed Amiin ayaa warbaahinta u sheegay in labada ruux ee qaraxa ku geeriyootay ahaayeen kuwii doonayay in ay miinada Aasaan, isaga oo ku eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

“Qarax waxaa uu ahaa mid ka dhashay miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa ku dhintay kuwii doonayay in ay aasaan, dad rayid ah oo wax ku noqday ma jiraan,’’ ayuu yiri Max’ed Amiin.

Wuxuu intaa ku darray in ay ka war-hayeen ragga dhintay oo sida uu sheegay gaari ay la socdeen uu ku dajiyay goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah dulleedka xaafadda Howl-wadaag.

Dhowr jeer oo hore ayaa siddan kale qaraxayo ay ku dhinteen shaqsiyaadkii doonayay in ay aasaan, waxaa ay ka dhaceen xaafadda Howl-wadaag gaar ahaan halka lagu magacaabo Bacaadadada oo ah goobta qaraxan ugu danbeyay uu ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya