4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab oo saaka dagaallamay
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay meel qiyaastii 30km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo khasaare badan dhaliyey wuxuu dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, gaar ahaan kuwa uu fadhigoodu yahay buuraha Golis.

Ma cadda khasaaraha labada dhinac kala gaarey, haseyeeshee waxaa isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso lasoo gaarsiiyey dhaawaca afar askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland. Dhanka kale -sida aan wararka ku heleyno- dhimasho labada dhinac ah ayaa jirta inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dadka dagaalkaas ku geeriyoodey.

Sidoo kale lama xaqiijin karo ilaa iyo hadda in ciidamada Puntland lasoo weeraray iyo in ay iyagu wax weerareen, inkasta oo warar hordhac ah oo soo baxayaa ay sheegayaan in dagaal-yahanno ka tirsan Shabaabku ay soo weerareen fariisin ay ciidamada Puntland deegaankaas ku leeyihiin.

Sanadkii tegey ee 2013 waxaa isla deegaanka maanta lagu dagaallamay ka dhacay iska-hor-imaadyo tira badan oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, dagaalladaas oo inta la xaqiijiyey ku dhowaad 50 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ay ku geeriyoodeen. Dagaalka maanta ayaa ah kii ugu horreeyey ee halkaas ka dhaca tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2014.

Saraakiisha laamaha ammaanku weli kama hadlin dagaalka saaka ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, haseyeeshee faah faahinta wixii kasoo kordha wararkeenna dambe ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya