4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Xafladdii Caleema-saarka Madaxda Puntland


Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo isugu jirtey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland iyo weliba casho-sharaf loo sameeyey boqollaal wufuud ah oo Garoowe u yimid si ay xafladda caleema saarka uga qayb galaan.

Khudbado badan ayaa madasha laga jeediyey sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay suugaan heeso u badneyd, waxaana goobta ku sugnaa fannaaniin ay kamid yihiin Hibo Nuura iyo hobolka dhaantada caanka ku ah ee Cali Dhaanto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wufuudda Garoowe u yimid ka qayb galka xafladda caleema-saarka ayaa ka kala socdey: Qaramada Midoobay; dalalka Maraykanka, Norway, Turkiga, Qadar, Jabuuti iyo Itoobiya; dowladda federaalka iyo maamullada dalka ka jira sida: Jubba; ximin iyo xeeb, Gal-mudug iyo Ahlusunna.

Jewi aad u qorxoon ayey xafladdu ku dhacday, waxaana muuqatay in guddiga qaban qaabada xafladda loo saaray ay dadaal iyo fikir badan geliyeen sidii ay si habsami leh ugu dhici lahayd.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya