4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
BOOSAASO: Saldhigga dhexe ee booliska oo bumbooyin lagu tuuray

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Labo bumbo oo nooca gacanta ah ayaa xalay lagu tuuray saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka oo dhacay fiidnimadii xalay ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay marka laga reebo dhaawac fudud oo soo gaaray hal qof oo kamid ahaa maxaabiista saldhigga ku xiran.

Qofka dhaawacmay ayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah hawl-wadeenada isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa madaxa ka galay firir ka dhashay mid kamid ah bumbooyinka oo saldhigga dhexdiisa ku qaraxday.

Qaraxa kaddib rasaas ayaa dhacday, waxayna ciidamada boolisku sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey inkasta oo aysan ku guuleysan in ay cidna falkaas usoo qabtaan.

Saraakiisha dhanka ammaanka iyo weliba taliska booliska ee gobolka Bari oo aan xiriir la samaynay -si aan faah faahin dheeri ah uga helno- ayaa ka gaabsaday in ay warbaahinta la hadlaan.

Saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso (Bartamaha) oo ku yaal afaafka hore ee  dekedda islamarkaana ay ku dhow yihiin xarumo dowladeed oo dhowr ah sida: xarunta maamulka gobolka, taliska booliska gobolka, Isbitaalka guud iyo xarunta dowladda hoose, dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale bumbooyinka gacanta loogu tuuray.

Qaraxyada iyo weerarrada lala beegsanayo xarumaha dowladda oo in muddo ah hakad galay ayaa u muuqda kuwa mar kale dib ugu soo noqday magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii labo qarax oo ka dhacay magaalada Gaalkacayo ay galaafteen nolosha saddex qof lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, dadkaas ayaa dhammaantood ahaa rayid.

Madaxweynaha dhowaanta la doortay ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ammaanku uu kaalinta koowaad kaga jiro waxyaabaha ay xukuumaddiisu sida weyn diirradda u saari doonto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya