4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Al-shabaab oo u hanjabtay wasiirrada cusub ee Xukuumadda Somalia

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shahaab ayaa markii ugu horreysay u hanjabtay wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay inay beegsan doonaan wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

“Innaga waxaa noo qorsheysan inaan ula dagaalanno wasiirrada cusub sidii aan ula dagaalannay kuwii iyaga ka horreeyay haddii ay kasoo laaban waayaan ka mid noqoshada dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in horay ay ugu gubteen boosaska wasiirrada cusub loo magacaabay kuwa iyaga ka horreeyay oo kaga aqoon badan Soomaaliya, kuwaasoo uu ka xusay hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray.

“Meesha aad hadda joogtaan kuwo idin kaga aqoon badan Soomaaliya ayaa horay ugu gubtay, idinkana waad ku guban doontaa haddii aadan ka tegin oo aadan ku laaban meelihii aad ka timaddeen,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ku dhaartay inay ka go'an tahay inay la dagaalamaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub oo ay mid-mid ugu ugaarsan doonaan magaalada Muqdisho iyo meel kasta oo dalka ka mid ah.

Hadalka Sheekh Cali Dheere ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore uu baarlamaanku ansixiyay golaha wasiirada cusub ee xukuumadda lana dhaariyay, iyadoo lagu wado in todobaadkan ay xilalka kala wareeegaan wasiirradii ka horreeyay.

Dhanka kale, hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed ay ku dhawaaqeen in sannadkan cusub ee 2014-ka uu noqon doono sannadkii dalka oo dhan laga saari lahaa Al-shabaab.

Madaxweyanaha Somalia ayaa wareysiyo hore oo uu bixiyay ku sheegay inay dunida la kaashanayaan sidii Al-shabaab loo cirib-tiri lahaa loogana saari lahaa Soomaaliya oo dhan, isagoo Al-shabaab ku tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya