4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Gobolka Shabeelada dhexe

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe ayaa billaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo maamulka gobolkaas uu sheegay in dhawaan ay billaabanayaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Shabeellada dhexe, Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in Al-shabaab looga saaro gobolkaas oo dhan.

“Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee billowday waa kuwo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gobolka kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Yuusuf Cabdi oo ku gaabsaday in howgalladu ay xilli dhow billaaban doonaan.

Gobolka Shabeellada dhexe oo dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa qaybo ka mid ah waxaa gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Qorshaheennu waa in Al-shabaab laga sifeeyo gobolka, waana qorshe horay loo dajiyay oo aanan doonayn inaan ka hordhaco xilliga uu rasmi ahaan uga billaaban doono gobolka,” ayuu guddoomiye ku xigeenku hadalkiisa ku daray.

Tallaabada ay ciidamadu ku billaabeen dhaqdhaqaaqa ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dhawaan ay ciidamada dowladdu isaga soo baxeen degmada Mahadaay oo gobolka Shabeellada dhexe , taasoo sababtay in cuqaal fara badan ay cabsi awgeed uga baxaan degmadaas.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay sidoo kusoo beegmayaa iyadoo afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad uu dhawaan sheegay inay dalka oo dhan ka billaaban doonaan dhaq-dhaqaaqyo looga horjeedo Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya