4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Avv Xaseey oo Maanta lagu aasay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Avv. Xasan Sheekh Ibraahim (Xaseey) ayaa maanta lagu aasay Baydhabo iyadoo gebi ahaan goobaha ganacsiga ay maanta ahaayeen kuwo xiran, iyadoo waddooyinka lagu arkayay ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM oo ilaalinaya ammaanka.

Garoonka diyaaradaha illaa qubuurihii lagu aasay marxuun Xaseey oo 5-km ka baxsan magaalada ayaa la xiray, iyadoo dad fara badan ay waddooyinka waaweyn marayeen si ay uga qaybqaataan aaska.

Avv. Xaseey wuxuu ahaan jiray gudoomiyaha SDM sannadkii 1993-1995, wuxuu ahaa nin sharci-yaqaan ah oo u u soo shaqeeyay dowladdii Hore ee milateriga ahayd. Sannadihii dambe wuxuu ahaa xildhibaan ka mid ahaa xildhibaannad mid ka mid ah dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Duugta garyaqaank ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaannada dowladda eek u sugan Baydhabo, sida Cabdullaahi Cabdi Garuun oo ay saaxib isku dhow ahaayeen, waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiinta gobalka Bay iyo kuwa degmada Baydhabo.

Garyaqaan Xaseey ayaa in muddo ah ku xanuunsanayay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Virginia halkaasoo uu toddobaadka ku geeriyooday.



Hiiraan Online, Baydhabo