4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
HRW: "Dhibaatooyinka Suxufiyiinta Soomaaliya waxba lagama qabto"

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Soomaaliya ayaa weli ah goobta ugu halista badan ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta iyadoo sannadkii hore lagu dilay afar wariye magaalada Muqdisho, sida ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Bishii Abriil ee sannadkii hore ayaa waxaa lagu dilay Muqdisho Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa wariyeyaasha idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha afka dowladda, kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Uganda oo uu u cararay.

Sidoo kale, tiro wariyeyaal ah ayaa la weeraray, kuwaasoo qaarkood lagu weeraray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo uu ka taliyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Wariyeyaashii la dilay waxaa loo qabtay hal qof oo keliya oo xukun dil ah lagu fuliyay bishii September 2012, kaddib markii uu bishii Maarso ee isla sannadkaas uu dilay wariye lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeynayay mid ka mid ah idaacadaha madaxabannaan ee Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay inuu shaqooyink ka joojiyo qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan eek a howlgasha maamulkaas, iyadoo bishii Abriil ee sannadkii hore ay wasaaradda warfaafinta maamulkaas soo saartay amar lagu xirayo saddex idaacadood oo kala ahaa: Radio Daljir, One Nation iyo idaacadda codka nabadda.

Somaliland ayaa iyadana lagu eedeeyay inay xirtay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, iyadoo loo fasaxay howlihiisa bishii Ogoosto ee 2013 kaddib markii qoraal uu kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxa warbaahinnada ayaa la sheegay iyagana in iyagana dhibaatooyin loo geysto, iyadoo wariye iyo milkiile idaacad ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay xabsi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya