4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Madaxweyne Gaas oo la Kulmay Wafdi ka Socda Jabuuti (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta caleemo-saarkiisu ka socdo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay wafti ka socda dalka Jabuuti, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.

Waftiga uu madaxwryne Gaas qaabilay waxaa hoggaaminayay wasiirka diinta iyo awqaafta ee jamhuuriyada Jabuuti, Aadan Xasan Aadan waxayna kaga hadleen arrimo quseeya Soomaaliya iyo Puntland.

Shir jaraa’id oo ay wadajir saxaafadda ugu qabteen ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay madaxweynaha Puntland, C/wali Gaas oo ku ammaanay Jabuuti garab istaagii ay garab-istaagtay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in door muqda ay Jabuuti ku leedahay dadaallada Jabuuti ciidanka qaybta ka ah AMISOM ug soo dirtay Soomaaliya.

"Dowladda Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, waxayna door ku leeyihiin dadaallada Soomaaliya ka soconaya ee dib u soo nooleynta nabadda guud; waxaana uga mahad-celinaya dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay Jabuuti ay ka qaadatay gurmadkii loo fidiyay shacabka Puntland markii ay musiibadu dhacday,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Sidoo kale, waxaa isna saxaafadda la hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta ee Jabuuti Aadan Xasan Aadan isagoo sheegay inay dowladda Jabuuti garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xiriir fiican iyo wada-shaqeyn la yeelan doonto maamulka Puntland.

Aadan Xasan ayaa soo hadal-qaaday  inay Jabuuti ka daali doonin garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna kordhin doonaan ciidamada kaga sugan Koonfurta Soomaaliya.

Waftiga Jabuuti ee Garoowe ku sugan waxay qayb ka yihiin mas'uuliyiin dalalka dariska ka socda oo ka qayb-galaya munaasabada caleemo-saarka  madaxda maamulka Garoowe ee ka socota Garoowe.


Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Somalia