4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Nuxurka khudbadihii caleema saarka madaxda Puntland (SAWIRRO)
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa goor dhow kusoo gabagaboobay wejiga koowaad ee xafladda caleema-saarka madaxda cusub ee Maamulka Puntland.

Xafladda caleema-saarka ayaa ahayd mid si weyn loosoo agaasimay islamarkaana ay kasoo qayb galeen wufuud tira badan oo ka kala socda: Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, dalalka Soomaaliya deriska la ah, Turkiga, Qadar, Kuwait, Norwey, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka kajira.

Mas'uuliyiin badan ayaa goobta ka hadlay, waxaase khudbadihii ugu nuxurka fiicnaa jeediyey mas'uuliyiinta kala ah:


Wakiilka QM ee Soomaaliya
Nicholas Kay

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ugu horreyn hadalka furitaanka qaatay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kasoo qayb galkiisa xafladda caleema-saarka madaxda Puntland isagoo ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah.

Is-beddelka siyaasadeed ee Puntland ka dhacay iyo weliba sidii hufneyd ee ay doorashada madaxtinimadu ku qabsoomtay isagoo ka hadlayey wuxuu sheegay in Puntland ay u jiheysatay dhanka horumarka ayna mudan tahay taageero hagar la'aaneed oo ay beesha caalamku siiso.

Dhanka ammaanka mar uu ka hadlayey wuxuu tilmaamay in ciidamada qalabka sida iyo shacabka Puntland oo wada shaqeynayaa ay xil weyn iska saareen sidii ammaanka looga dhigi lahaa mid sugan, arrintaasina ay tahay mid ku dayasho mudan.

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayna ka go'an tahay sidii loo heli lahaa Puntland nabad ah, horumar ballaaran sameysay una guurta nidaamka dimuqraadiga ah iyo doorashada axsaabta badan.



Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole


Madaxweynihii dhowaan xafiiska banneeyey kaddib markii lagaga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday [Janaayo 8, 2014] ee C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo khudbad qaddar toban daqiiqo ku dhow socotey goobta ka jeediyey, ayaa ka hadlay arrimo badan.

Ugu horreyn wuxuu ka sheekeeyey wax-qabadka xukuumaddii uu hormuudka u ahaa, isagoo xusay inay jiraan waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono iyo weliba mashaariic iyo afkaar cusub oo ay la timid, kuwaasoo u baahan dardar gelin iyo in halkaas laga sii wado.

Ciidamada qalabka sida ayuu si aad ah ugu mahadceliyey isagoo tilmaamay inay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca dalka iyo sidii ay ammaanka iyo nabadgelyada u adkeyn lahaayeen iyagoo xataa xilliyada qaar aan helin xuquuqdooda asaasiga ah.

Mar uu ka hadlayey xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in midnimada dadka Soomaaliyeed ay tahay muqaddas ayna mudan tahay in mar walba la dhowro iyadoo khilaaf kasta oo soo baxa si nabadoon oo dulqaad iyo isu-tanaasul leh looga gudbayo.

Mar uu ka hadlayey hirgelinta nidaamka federaalka, wuxuu sheegay in  haddii nidaamkaasi uu si sax ah Soomaaliya uga hirgalo ay waxyaabo badan oo hadda khaldani  saxmi doonaan, intaas wuxuu raaciyey inay jiraan dhinacyo -uusan si cad u carrabaabin- oo kasoo horjeeda in la helo Soomaaliya ku dhisan hab federaal ah oo dhameystiran.



Jen. Cadde Muuse

Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo Puntland madaxweyne kasoo noqday intii u dhexeysey [ 2005 –2009] ayaa isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland.

Cadde wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in ay yareyso faragelinta ay ku hayso maamulka Puntland, isagoo xusay in dowladda federaalku ay marar badan is hor-taagtay mashaariic waaweyn oo Puntland laga fulin lahaa gaar ahaan mashaariicdii shidaal-baarista.

Jeneraalka oo hadalkiisu kaftan u badnaa ayaa dhanka kale sheegay in dadka reer Puntland ay yihiin dad jecel midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, ayna mudan yihiin in taas lagu tix geliyo.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay madaxweynaha -dhowaanta la doortay- C/weli Maxamed Cali Gaas inuu soo dhiso xukuumad tayo leh isagoo ku xulanaya xubnaha kamid noqon doona xukuumadda cusub waayo aragnimadooda, aqoontooda iyo kartida ay u leeyihiin inay si hufan, hagar la'aan ah oo daacadnimo ku dheehan tahay ay u shaqeeyaan.


Madaxweyne C/weli Maxamed Cali (Gaas)

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo intaas kaddib goobta ka jeediyey khudbad uu ku akhriyey luqadda Ingiriiska, ayaa uga horreyn si weyn ugu mahadceliyey wufuudda tirada badan ee xafladda caleema-saarka kasoo qabgalay.

Madaxweynuhu wuxuu intaas kaddib ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan in ay xukuumaddiisu qabato shanta sano ee soo socota iyo dhinacyada ay sida gaarka ah diirradda u saari doonto.

Siyaasadda gudaha iyo kalsoonida ay dadku dowladda ku qabaan ayuu sheegay inuu kor u qaadi doono maadaama kalsoonida shacabku ay lagama maarmaan u tahay shaqada dowladda gaar ahaan sugidda ammaanka.

Kaabeyaasha dhaqaalaha ayuu Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay horumar ballaaran ku sameyn doonto iyadoo dhanka kale si aad ah uga shaqeyn doonto tayeynta iyo dardargelinta adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, tamarta iyo bihaha.

Wejiga labaad ee xafladda  ayaa dhici doona gelinka dambe ee maanta, waxaana munaasabad casho-sharaf ah loo sameyn doonaa wufuudda lagu casumay munaasabadda caleema-saarka iyo dadka kale ee ka qayb gelaya oo ay tiradoodu labo kun oo qof ku dhow dahay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya